Guddida Joogtadda Ee Guurtidda Kulan Waraysi Ah La Yeelatay Prof. Mixille

0
363

Hargeysa (Dawan)- Gudihoosaadka joogtada ah ee Golaha Guurtida ayaa  kulan la yeeshay Guddoomiyaha  hay’adda shaqaalaha dawladda Prof. Maxamed Mixile Boqore oo ay weheliyaan masuuliyiinta waaxyaha kala duwan ee hay’adaas.
Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland Prof. Maxamed Mixile isagoo sharaxaad ka bixinaya hawlihii ugu horeeyay ee ku tallaabsadeen waxa uu yidhi “Waxaan shaqada ka bilaabay in aan tabobarro u furo shaqaalihii ka hawl galaaya xarunta hay’add shaqaalaha dawlada, si kor laagu qaado xirfadooda shaqo. Waxaanuna samaynay buug ka hadlaya socodsiinta hawlaha shaqo ee hay’adda shaqaalaha dawlada.buugaas waxaanu halku dheg uga dhignay shaqaale tayaysan ayaa toosiya dawlad.”
Prof. Mixille waxa kale uu sheegay inay  ka xog ururin ay ku sameeyeen shaqaalaha dawladda.  “Waxaan meel ku wada ururinay warbxinta dhammaan shaqaalaha dawladda. Maanta qof kasta oo ka mida shaqaalaha dawladda waxaanu haynaa xogtiisa oo dhammaytiran. Taasina waxay keentay inuu  noo hagaago nidaamkii shaqaaluhu.”
 
“Tayaynta shaqaalaha waxa qaabilsan machad u gaar ah, hada waxa ku jira shaqaale gadhaya lix boqol. Waxa dalka Itoobiya innooga soo baxay 15 qof oo soo qaatay shahaada master digree,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu waxaanu intaasi ku daray  “Waxa kale oo aanu dirnay 21 kale. Markaa hadda waxa jaamacadaha dalka Itoobiya innoogu jira dad gaadhaya 50 qof. Waxa kale oo jira shaqaale aanu u dirnay dalal kale sida Yugaandha.”
“Xogta aanu ururinayn  ee shaqaalaha dawlada waanu wadi doonaa illaa aanu ka soo wada ururino. Waxa kale oo aanu sii wadi doonaa hawlaha ay nala wadaan baanka adduunku oo aanu heshiisyo la saxeexan doono,” Ayuu ydhi Prof. Maxamed Mixile mar uu ka hadlaayay waxyaabaha u qorshaysan hay’adda shaqaalaha dawlada.
Gudoomiyaha guddi hoosaadka joogtada ah ee golaha guurtida xildhibaan Muxumed Aw Axmed ayaa waxa uu gudoomiyaha ku amaanay sida fiican ee uu uga war bixiyay hay’addaas uu masuulka ka yahay iyo wax qabadka uu ku tallaabsaday.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply