Carwada Ganacsiga Somaliland Oo Fursad U Noqotay Shirkado Reer Yurub Ah Oo Ganacsi Ka Hirgaliyay Dalka

0
345

Hargeysa(Dawan):- Somaliland ayaa indhaha shirkadaha caalamka soo jiidatay markii Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo hoggaanka dalka ku guulaysatay ee ay  shirkadaha caalamka u balan qaaday in ay Somaliland maal-gashi iyo ganacsiyo ka hirgalin karaan dalka.Taasina waxay sabab u noqotay in ay Somaliland ay ku soo xidhmaan shirkado waawayn oo caalamka caan ka ah isla markaana ka jira dalal badan oo dunida ka mid ah.
Shirkadda Ganacsiga ee RAUCH waa shirkad ganacsi  oo laga leeyahay dalka Austria oo ka mid ah dalalka qaarada Yurub ugu wax soo saarka wanaagsan isla markaana ay daris yihiin dalka Jarmalka  isla markaana la aasaasay 1919kii  oo aad u fac-weyn isla markaana  caalamka  dalal badan oo ka mid ah ku leh xarumo ganacsi oo kala duwan,waxaanay markii ugu horraysay dhawaan Somaliland ka hirgalisay Xarun ganasi oo ay keentay sharaabyada ay soo saarto oo ah kuwo tayo sare leh oo caalmka oo dhan laga isticmaalo.
Guddoomiyaha Shirkadda RAUCH ee Somaliland Siciid Cabdi Daahir, ayaa balan qaaday in ganacsiga shirkadda uu Somaliland masuulka uga yahay in ay dalka  ka hir-gelinayso ganacsi balaadhan oo Somaliland iyo Yurub isku xidhaya isla markaana ay Somaliland noqon doonto Xuddunta  ganacsi ee dhulalka ay Soomaalidu degto ay ku yeelanayaan.
Waxaa kale oo uu intaa ku daray in ay samayn  doonaan fursado shaqo abuur oo ay dadka ugu abuurayaan fursado shaqo oo ah in ay shirkadda RAUCH waxyaabaha kala duwan ee ay soo saarto in ay dalka Somaliland toos u keeni doonto.
Waxaa kale oo uu sheegay  in noocyada Sharaabyada kala gedisan ee ay soo saaraan oo kala ah kuwo loogu tallo galay dadka Macaanka qaba oo aan wax sonkor ah lagu darin isla maraana midho la miiray ah iyo kuwa sonkorta leba ay dalka keeneen oo mar kasta laga helayo waxaanu intaa raaciyay in bulshada Somaliland ay ugu bushaaraynayaan sharaab tayo fiican oo caafimaad ahaanna u wanaagsan in la cabbo oo Yurub ah isla markaana qiimo ahaan jaban in ay mar kasta dalka Somaliland bulshadiisu ay ka helayso.
Waxaanu arrimahaa kaga hadlay mar uu ku sugnaa Carwada 7 aad ee Ganaciga Somaliland oo Hargeysa ka furantay oo shirkadoodu ay ka qayb gashay markii ugu horraysay.
Waxyaabaha ay soo saartona waxaa ka mid ah sharaabyada noocyadooda kala duwan oo isugu jira sharaabyo khudaartii oo la miiray ah oo aan wax Sonkor ah lagu darin iyo sharaabyo Sonkoraysan oo Sonkor lagu daray  oo yar yar iyo waawaynba leh iyo sharaab Shaah qasacadaysn ah oo sidiisa loo cabayo.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply