“Inta Aan Laga Coddaynaynin Doorashooyinka Dalkeenna Oo Dhan, Waa Caqabadaha Hor-taagan Aqoonsigeenna”

0
337

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye),ayaa musharraxnimadiisa jagada Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ee uu uga dhex tartamayo shirka golaha dhexe ee KULMIYE ayaa ku tilmaamay haddii uu musharaxnimadda ku guulaysto in aanay ahayn guul kalidii u soo hoyatay balse ay tahay guul qaranka Somaliland oo dhan u soo hoyatay.
Waxaanu intaa ku daray in guushiisu ay noqonayso  mid dhamaystiraysa qaranimada Somaliland isla markaana meesha ka saaraysa in Somaliland  la kala leeyahay oo muujinaysa in dadka reer Somaliland ay u siman yihiin hoggaaminta dalka taasoo uu tilmaamay in ay soo dhammaystirayso tabasho ka jirtay deegaamada bariga Somaliland. Waxaa kale oo uu meesha ka saaray in deegaanada Bariga Somaliland in ay ku kala qaybsan yihiin qaddiyadda Somaliland oo ay dad ka maqan yihiin isagoo sheegay in laba afmiishaar  oo gooni joog ahi ay meelahaa ka hadlaan isla markaana aanay deegaana ay sheeganayaan iyo dadka midna metelin isla markaana aanay iman karin.
“Haddii aan guulaysato waxa aan balan-qaadaya dalka iyo dadka oo dhammaystirma oo buuxsama, Saaxiibkay waxa aan leeyahay cod waa la helaya waayo doonistii dadka ayaa jirta waan ka  balan-qaadayaa halkan  cod lala yaabo oo aan hore loo arrag inaan xisbiga KULMIYE u soo jiido,”Ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo  ka hadlayay xaflad uu Beelaha Barriga Burco ugu sameeyay Huteelka Summer-time ee caasimadda Hargeysa.
Wasiir Xaglatoosiye waxa uu tilmaamay in doorashooyinka aan qeybo ka mid ah dalka ka dhicini ay tahay caqabadaha hortaagan aqoonsigeenna, waxaanu yidhi  “Somaliland midnimadeeda oo buuxsanta,  Somaliland dadkeeda oo dhan oo codeeya meel kastaba ha joogaane inta aan laga  codaynaynin meelo ka mida dalkeenna waa caqabadaha iyo dhibaatooyinka hortaagan aqoonsigeenna.  haddii ay taasi dhacdo maanta oo ay dhamaystiranto waxa hubaal ah  aqoonsi degdeg ah inaynu helayno. Halkan nin baa ka  lahaa inaad Madaxwayne isu sharaxdaan bay ahayd marka hore Codkayaga ayaanu idin tusaynaa Madaxwayne ku xigeennimadda Codkayaga ayaanu idinku tusayna markaanu codkayaga idin tusno, markaas ayaanu Madaxwaynenimaddana u tartamaynaa.”
”“Xabadda oo dhacaysa ayaan nabad qaatay ALLE  waa igu guuleeyay oo maalintii maalin ka dambaysa Xabadi ma dhicin waxa aan rejaynayaa in arrintana ILAAHAY  igu guuleeyo musharaxnimaddaydu maaha inaan kaligay wax doonaayo Somaliland oo dhan ayaan wax u doonayaa.   Somaliland oo dhan baan wanaageeda rabaa  iyo midnimadeeda waa iga qadiyad.” 
Mr. Xaglatoosiye, Waxa uu sheegay inuu jeclaan lahaa in beelaha gobolka Awdal ay u tanaasulaan oo ay doorkan u daayaan mansabka madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply