Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddi Hubisa Cabashooyinka Ka Taagan Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIYE

0
369

Hargeysa (Dawan)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabay Guddi shan xubnood ka kooban oo uu u xil-saaray inay darsaan murranada ka taagan qaabka loo agaasimayo shirka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE.
 
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cigge (Dayr) oo u dhignaa sidan:-
 
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay  JSL/M/MG/241-3670/112015 ku magacaabay  Guddida Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka taagan tahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
 
Xubnaha Gudida:-
 
Ku: Mudane, Xasan Axmed Aadan,
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka
 
Ku:Mudane, Maxamed Faarax Xirsi,
Guddoomiyaha Akaadamiyadda Nabadda iyo Horumarka
 
Ku:Mudane, Axmed X. Cali Cadami,
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
 
Ku: Mudane, Axmed Muxumed Madar,
Guddoomiyaha Guddida Maamul Wanaagga
 
Ku: Mudane, Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinnif),
Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda SOLNAC
 
Og:Hoggaanka Xisbiga KULMIYE
Og: Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE
 
Og: Murashaxiinta Ku tartamaysa Xisbiga KULMIYE Dhexdiisa
 
Ujeeddo: Magacaabid Guddida Hubinta Arrimaha Cabashadu Ka taagan tahay ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye
 
 
 
 
Mudanayaal,Sida aad la socotaan, waxa Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka dhashay muran iyo cabasho la xidhiidha qaabka loo agaasimayo Shirka Golaha Dhexe ee u muddaysan 10/11/2015-ka, cabashooyinkaasi oo ay saldhig u yihiin:
 
Liisaska Xubnaha Golaha Dhexe iyo qaabka loo diiwaangaliyey.
Buuxinta xubnaha bannaanaaday iyo habka loo maray.
In xubnaha qaarkood wax-ka-beddel lagu sameeyey sifihii asal ahaan ay kaga mid ahaayeen Golaha Dhexe.
 
Anigoo ka duulaya qodobbada kor ku xusan, waxaan la kulmay xubnaha Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee metelaya dhinaca cabashadu ka timi, isla markaana ka dhegaystey waxa ay ku qotonto cabashadoodu. Sidoo kale, waxaan dhegaystey doodda xubnaha kale ee Hoggaanka Xisbiga ka tirsan ee metelaya dhinaca laga cabanayo.
 
Haddaba, waxaan ku qancay inay lagama maarmaan tahay in wixii tuhun iyo mad-madow ah laga saaro habsami u socodka hawsha diiwaangalinta xubnaha Golaha Dhexe, si loo helo madal loo siman yahay oo cid waliba ku tartami karto.
 
Sidaas darteed Mudanayaal, waxaan idiin magacaabay in aad si madax-bannaan u hubisaan in uu jiro wax khaladaad ah, idinka oo u kuur-galaya arrimaha cabashadu ka jirto oo dhan.Ugu dambayn, waxaan idiin rajaynayaa in aad masuuliyaddan u gudan doontaan si xilkasnimo leh.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply