Xikmadaha Dadkii Caqliga Badnaa

0
767

Wakhtigan khubarada ayaa ku taliyay in hadalka badan iyo dooda ay ka wanaagsan tahay in nasasho aamus badan la qaato, taasi oo ah mid ruuxda iyo caqligaba faa’iidada u leh.
Nin caqli badan ayaa la weydiiyay su’aasha ah “ Miyuu jiraa qof  bakhaylka ka xumi?” Waxaana uu ku jawaabay haa, deeqsiga ka xun marka uu ka sheekeeyo wixii uu bixiyay.
Shan arimooda waxa lagu gartaa: Geedka midhiisa lagu gartaa, Gabadha wanaageeda marka ninkeedu u baahdo ayaa lagu gartaa, Saaxiibka wakhatiga adag ayaa lagu gartaa, Deeqsigana wakhtiga loo baahdo ayaa lagu gartaa.
Hala saaxiibin dadka ilaa mid qarinaya sirtaada mooyee, oo ceebtaada asturaya, wanaagaagana sheegaya, xumaantaada qarinaya. Haddii aad kaasi hesho adiga ayaa dadka ugu qanisan.
Nashada hal maalin toddobaadkii sida culimadun sheegtay inay faa’iido u leedahay wadanaha iyo maskaxdaba si isku mid ah.

Leave a Reply