Biyaha Tufaaxa Waxay Cadeeyeen Ilkaha

0
416

Daraasad laga sameeyay dalka Maraykanka ayaa muujisay in geedka Tufaaxa cunistiisu ay ilkaha caafimaad u tahay isagoo weliba ka nadiifiya waxyaabaha midabkooda bedelay.
Koox khubaro ah oo Newyork ka soo saaray warbixin ayaa intaasi ku daray haddii la joogteeyo cunista tufaaxa inuu ilkaha cadeeyo. Gabadha madaxda ka ahayd daraasadan oo lagu magacaabo Peta Leigh ayaa tidhi”  Qofka jecel inn ilkihiisu cadaan noqdaan waa inuu si joogto ah u cunaa tufaaxa”
Waxa kale oo ay intaasi  ku dartay  in waxyaabaha ilkaha bedela ay ka mid yihiin cabista sigaarka kuwaasi oo kaga sababa in muuqaalkii cadaanka ahaa ka tago.
 
Tufaaxa ayaa leh biyo macaan oo dareere ah kuwaasi oo nadiifiya gidaarada cirridka, waxayna awood u leeyihiin inay cadeeyaan.
Daraasadda ayaa dadka kula talisay inay joogteeyaan cunista tufaaxa oo weliba faa’iidooyin kale oo badana u leh dadka. ( Al-khaliij).

Leave a Reply