Qiso “Marar Badan Muuqaalka Qofka Maaha Kii Dhabta Ah”

0
391

Maalin ayay lamaane xaas ahi booqasho ku tegeen beerta xayawaanka lagu dhaqo si ay usoo daawadaan.
Gabadha Xaaska ah ayaa aragtay Daayeer lamaane ah oo ay wada ciyaaraya, waxayna tidhi :” Aad bay isu jecel yihiin , maxaa kalgacal ka dhexeeya ?”.
Markii ay dhinaca kala usoo wareegeena waxay  aragtay Libaax iyo goosha oo laba meelood kala fadhiya oo labaduba aamusan isla markaana aad moodo inay isu cadhoonayaan, waxayna gabadhu tidhi :” “Maxaa meeshan Muruga ka dhacday ! ”.
Intaasi ka dibana Odaygeed ayaa ku yidhi “ Soo qaado quraaradan oo iska dhig mid ku tuuraysa dhanka Goosha ka dibna eeg waxa dhaca ” , markii ay sidaasi samaysay ayuu  libaaxi intuu usoo cararay dhinaca Goosha aad u qayliyay oo doonayay inuu iskaga dhigo quraarada, si uga difaco. Waana uu isku hareereeyay difaaceeda awgeed.
Haddana sidan oo kale ku same Daayeerka ayuu ku yidhi odaygeedu , sidii ayay hadaana samaysay markaasi ayuu Daayeerku nink ahaa ka cararay xaaskiisa isaga oo ka baqanaya in Quraarada Ku dhacdo.oo aan dan ka gelin Dayeerada.
Wakhtigaasi ayuu ninku xaaskiisa ku yidhi “ Haku ka degmin waxa Dadka kaaga muuqanaya , waxa jira kuwo ku khiyaamaynayana iyagoo aanad filayn, iyo kuwo qalbigooda hoose kalgacal kuugu haya lakiin aanad ka arkayn muuqaalkooda”
 
 
 

Leave a Reply