Cajiib: “ Anigu Marna Ma Booqan Dalka Ubaskistan”

0
325

Muwaadin u dhashay dalka Kuwayt  oo ka codsaday safaaradda Maraykanka ee dalkaasi inay siiso fiise si uu booqasho ugu tago gabadh uu dhalay oo halkaasi degen ayaa diiday codsiga ninkan.
Ninkan Kuwait u dhashay oo lagu magacaabo C/casiis Khaalid ayay safaaraddu sababta diidmada ku sheegtay isagoo sanadkii 2010 booqasho aan cadayn ku tegay dalka Usbakistan oo ku yaalla barig Aasiya, isla markaana uu joogay muddo toddobaad ah.
C/casiis Khaalid ayay arintani ku noqotay yaab isagoo yidhi :” Anigu marna ma booqan Usbakistan weligay “ waxaana wasaaradda ariimaha gudaha soo saartay faylkiisa markii ay ka codsatay safaaradda Maraykanka, taasi oo si cad oo waadax ugu qorayda inuu booqday dalkaasi Usbakistaan.
Muwaadinkan ayaa wakhtigaasi booqday dalka Imaaraadka, taasi oo wasaaraddu ay samaysay diiwaan gelin khaldan. C/casiis ayaa ka codsaday wasaaradda inay saxaan safarkaasi si loo siiyo fiisaha laakin waxay u sheegeen in khaladkaasi loo baadhigayo madaxda sare.

Leave a Reply