Dayuuradda Ayay ku Ogaadeen Inay Aad Isugu Eeg yihiin

0
275

Markii uu ninka lagu magacaabo Rober dayuuradda kurisigiisa fadhiistay , ayuu  nin rakaabka ka mid ah ka codsaday inuu sawir ka qaado.  Rober ayaa aad ula yaabay laakiin fahmay inuu khalad jiro oo uu u qaatay nin kale.
 
Ninkan ayaa markiiba dareemay in ninkani aanu ahayn Douglas , waxaana uu arkay in labada nin Rober iyo Douglas ay aad isu shabahaan, ilaa xadna ay adag tahay kala saaristoodu.
 
Labadan nin ayaa ku jiray safar ay kaga tegeen London iyagoo ku sii jeeday Irland Madaarka Stansted.
Muuqaalka labada nin ayaa noqday mid ay iskaga eeg yihiin dhinacyada muhiimka ah sida  gadhka, qosolka, Timaha, dharka madow ee labadooduba xidhnaayeen maalintaasi. Markii danbana labadan nin ayaa ku wada degay  huteel ku yaalla Irland.
Muuqaalka labada nin ayaa abuuray arrin yaab leh iyo sida ay dadka in badani isu shabihi karaan iyagoon isba aqoon. Cilmi nafsiga ayaa isna sheega in dadka isku eegi inkasta oo ay meelo kala duwan joogan haddana ay wax isku mid ah wada jecel yihiin sida midabka dharka, qaabka xiirashada, gaadiidka, cuntada iwm.
 

Leave a Reply