Madaxda Taiwan iyo Shiinaha oo kulmaya

0
552

Hadal lama filaan ah ayaa saaka ka soo baxay xafiiska madaxeynaha Taiwan oo shaaca ka qaaday in madax weynaha Shiinaha Xi Jinping uu kula kulmi doono Singapore maalinta sabtida ee soo socota.

Kullanka waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo muddo 66 sano ah ay wada yeeshaan laba hogaamiye oo dhinacyadan kala matalaya.
Xiriirka Shiinaha iyo Taiwan waxa uu go’ay markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye ee 1949kii.
Maamulka Beijing weli Taiwan waxa uu u arkaan gobol ka mid ah Shiinaha ayna maalin un dib u soo ceshan doonaan, welina kama aysan tanaasulin in arrintaasi ay awood u adeegsadaan.
Qoraal gooban ayaa madaxweynaha Taiwan Ma Ying Jeou uu ku shegay inuu booqan doono Sengapore sabtida soo socota, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.
Waxaa la sheegayaa in labada hogaamiye ay kawada hadli doonaan isdhaafsiga fikradaha nabadda ee labada dhinac, hagaajinta xiriirkii horey u xumaaday.
Afhayeen u hadlay maamulka Taiwan ayaa BBC-da waxa uu u sheegay in aysan jirin doonin heshiisyo la saxiixayo ama warbixin si wada jir ah loo soo saarayo.
Xubin ka tirsan xafiiska madaxweynaha Taiwan waxa uu sheegay in kullanka ay maamulka Shiinaha uu dalbaday.
Madaxweyne Ma muddo dheer ayuu doonaayay in kullan noocaan ah uu dhaco laakiin dhanka Shiinaha ayaa diidanaa, waxaana ka mid ah mid dhici lahaa xilligii uu socday Shirka dhaqaalaha dalalka Asia-Pacific-ga.
Shirkan ayaa dhacaya iyadoo seddax bilood ay ka harsan yihiin doorashooyiinka madaxtinimo iyo tan baarlamaan ee Taiwan oo dhici doona bisha January.
Ma cadda sababta Shiinaha ay hadda u ogolaadeen kullankan. Horey waxay isaga ilaalin jireen inay lug ku yeeshaan doorashada Taiwan.
Laakiin Ra’yi uruurinada hordhacaha waxa ay muujinayaan in musharraxa xisbiga taageersan madax-bannaanida Tsai Ing-wen ay u badan tahay inay doorashada ku guuleysato.
Waxaa suuragal ah in SHiinaha uu arrintaasi ka walaacsan yahay, maadaama 7 sano oo xiriir wanaagsan uu la sameynaayay Mr Ma ay meesha ka bixi karto, haddii Ms Tsai la doorto, xisbigeedana uu helo aqlabiyad ku filan.
Iyadoo Ms. Tsai aan loo arkin aad uga soo horjeedo Shiinaha, mucaarad ahaan xisbigeeda markii ugu dambeysay, waxa ay diiday inay aqbasho is afgarad labada dhinac u dhexeeyay oo la gaaray sanadkii 1992.
Xiriirkaasi waxa uu dhigayay in Taiwan ay dhul waynaha SHiinaha ka tirsan tahay, laakiin dhinackastaa uu u madaxbannaan yahay nooca Shiinaha ee uu doonayo.

Leave a Reply