Masar oo shaki ka qabta burburka diyaaradda

0
327

Maamulka dalka Masar waxa ay muujiyeen in diyaaradda Ruushka ee ku dhacday Siinaay ay hawada ku ciladowday.

Afhayeen u hadlay waaxda duulimaadka dad weynaha ee Masar waxa uu sheegay inaysan cadeyn u haynin sheegashada Ruushka ee ah in diyaaradda la burburiyay iyadoo dhulka u jirtay 3000 oo feet.
Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiisha Mareykanku ay sheegeen in setilite kooda uu soo qabtay holac baxaya markii diyaaraddu ay burbureysay.
Baarayaasha waxa ay hadda dareenkooda u weecinayaan sanduuqa madow ee diyaaradda ee codadka duuba.
Masarna waxa ay tilmaamtay in koox baarayaal ah oo Masaari ah ay ku biirayaan baarayaasha Ruushka iyo kuwa ka socda Ireland halkaas oo ah meesha diyaaradaasi laga diiwaan geliyay.
Waxa ay diyaaradda ku dhacday gacanka Siinaay, waxaana ku dhimatay 224 qof oo ah dhammaan dadkii diyaaradaasi saarnaa.
Masar ayaa sidoo kale meesha ka saartay hadal ka soo yeeray kooxda la baxday Khilaafada Islaamka oo sheegtay inay diyaaradda soo rideen, taas oo parabaganda ay ku tilmaameen.
Madaxweyne, Alsisi waxa uu BBC-da u sheegay in xilligan aan laga hadli karin sababta burburka diyaaradaasi.
Diyaaradda waxa ay ka duushay magaalada Sharm el-Sheikh waxayna ku sii socotay St Petersburg ee dalka Ruushka.

Leave a Reply