Midowga Yurub Oo Ballan-qaaday Inay Somaliland Kala Shaqaynayaan Ammaanka Baddaha Iyo Hirgelinta Doorashooyinka

0
378

Hargeysa (Dawan)- Weftiga uu hoggaaminaayo Ergayga u qaabilsan Midawga Yurub Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cervone d’Urso, ayaa qasriga Madaxtooyada Somaliland kulan kula qaatay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo qaar ka mid ah wasiirrada, iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan mashaariic horumarinteed, adkaynta amaanka badda, la dagaalanka tahriibka iyo hirgelinta qabsoomida doorashada dalka ka dhici doonta 2017ka.
Kulanka ay weftiga Midawga Yurub iyo Xukuumaddu yeesheen kadib, waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Ergayga Midawga Yurub Mr. Michele waxaanay  xuseen in EU-du Somaliland ka caawin doono hirgelinta iyo qabsoomida doorashada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale.
“Waxa halkan inala jooga wefti ka socda Midawga Yurub oo uu hoggaaminaayo ergayga Somaliland iyo Soomaaliya Michele Cervone d’Urso oo la yeeshay Madaxweynaha shir aannu iskula soo qaadnay waxyaabo farobadan oo labadeenna dhinac  waxyaabo badan oo  ka taabanaya, khaasatan doorashada 2017-ka oo ururka Midawga Yurub qeyb weyn ka qaato.Waxaannu isla garanayn in aynu xidhiidhkeena halkaas ka sii wadno oo sii xoojino, mashaariicda ay gacanta naga siiyaana ay sii xoojiyaan, khaasatan doorashada ay gacan weyn innaga siiyaan, iyaguna sidaas way nala qateen,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajigu Dr. Sacad Cali Shire.
Ergayga Midawga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cervone, ayaa ballan-qaaday in hirgelinta doorashada 2017 ka dhici doonta dalka ay qeyb laxaad  ka qaadan doonaan, waxaannu yidhi; “Waxa aanu isla soo qaadnay arrimo badan, in aanu sii wadno taageerada Midowga Yurub dhinaca dimuqraadiyada horumarinteeda Somaliland ka siiso, gaar ahaan doorashooyinka 2017-ka. Waxa aanu Midowga Yurub ahaan ballan-qaadaya in aanu sii wadi doono taageerada dhinaca nidaamka doorashada, guddida doorashooyinka iyo xukuumadda si loo suuragaliyo in ay qabsoonto, tani waa mid muhiim u ah in la sii wado hanaanka dimuqraadiyada ee Somaliland ee soo socday 20-kii sanno ee la soo dhaafay.
Ergayga Midowga Yurub waxa kale oo uu xusay in ay Somaliland kala shaqaynayaan ka hortaga tahriibka, caawinta qaxoontiga,  xoojinta ammaanka badda.”
 
“Waxa kale oo aanu isla soo qaadnay in la sii wado hawlaha EU-du Somaliland ka wado ee mashaariicda horumarinta ah. tusaale ahaan, dhismaha waddada Berbera (Berbera Corridor), horumarinta ammaanka badda iyo meelo cusub sida tahriibka iyo taageerida qaxoontiga. Kulanku wuxuu ahaa mid midho dhal leh, waxaanannu halkan u joogna in aanu idinka caawino ammaanka iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyada,” ayuu yidhi Mr. Michele Cervone.
Madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali iyo Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr).
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply