Tiradda Caruurta La Tuuray, Kiisaskii Kufsiga Ahaa Iyo Askartii Booliska Kaga Dhimatay Hawl-gallo shaqo

0
296

Hargeysa(Dawan):- Hoggaanka Hawl-gelinta  Ciidanka Booliska Somaliland  Gaashaanle sare Maxamuud Ducaalle, ayaa ka war-bixiyay tirada fal dambiyeedyada iyo shilalka Gaadiidka ee sannadkan dalka ka dhacay iyo khasaaraha dhimasho, Dhaawac iyo  maaliyadeed ee ka dhashay.
Gaashaanle sare  Maxamuud Ducaale,   waxaa kale oo uu ka hadlay  tirada dilalka dalka ka dhacay sannadkan iyo fal-dambiyeedyada kale ee  sannadkan  dhacay iyo noocyada ay kala ahaayeen iyo dariiqyada ay kala mareen.  inta heshiis laga gaadhay ee dhammaatay, kiisaska la xukumay ee garsoorku soo gunaanaday,inta imika dacwadoodu Maxkamaha ku jirto iyo tirada askarta booliska ahayd ee sannadkan shaqaaqooyin ku dhimatay iyo kuwii ku  dhaawacantay.
Hoggaanka Hawl-gelinta Boolisku waxa uu  sidaa ka sheegay sannadguurradii 22-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Booliska oo ku beegnayd oo shalay lagu qabtay taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland ee magaaladda Hargeysa.
 
“Mudane Madaxweyne guud ahaan fal-dambiyeedyada dalka ka dhacay sannadkan waxay tiradoodu dhan tahay 18252 Dambi. Waxaa beenoobay 2888 Kiis.  waxaa laga heshiiyay oo arrintooda nabad lagu dhammeeyay 2057  kiis. Waxay baashis galay 10725 kiis. Waxaa Maxkamad loo gudbiyay  6582 kiis, oo u kala baxay 3,335 la Xukumay  iyo 3,247 kiis oo rummaan loo diray.Tirada dilalka sannadkan  dalka ka dhacay waxay noqdeen 61 dil inta qof ee ku dhimatay waxay noqdeen 61 qof,inta gacan ku dhiigle ee la qabtay waa 55 qof. Tiradd gacan ku dhiigleyaasha baxsaday waa 6 qof. Haddii aan isbar-bar dhigno sannadkan 2015-ka iyo sannadkii hore ee 2014-kii dilalka dhacay waxay kala yihiin 2015-ka  61 dil, 2014-kii waxa dhacay 65,  waxa sannadkan hoos u dhacay afar dil,”Ayuu yidhi Hoggaanka Hawl-gelintu.
By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply