Roobab Dabaylo Wata Oo Khasaare U Gaystay Degaamo Ka Tirsan Gobolka Saaxil

0
532

Berbera (Dawan): Roobab dabaylo watay oo shalay iyo habeen hore ka da’ay degaamo ka tirsan xeebaha galbeed ee gobolka Saaxil ayaa la sheegay in ay ku barro=kaceen ku dhawaad 30 qoys oo degaamadaasi ku noolaa.
Degaamadaasi oo kala ah  Ceel Sheekh  iyo degmadda Bullo-xaar ee ka tirsan gobolka Saaxil ayaa barokacay kadib markii ay ku dhufteen dabaylo xoogan, kuwaasi oo sababay in ay burburiyeen guryihii  ay deganaayeen dadkaasi.
 
Dabaylahah   ku dhuftay  deegaamadda xeebta ee degmadda  Bulo-xaar ayaa khasaare ka soo gaadhay bulshada halkaasi ku dhaqan kadib markii ay badu shalay kacday.  Waxaanay   dabaylahani dumiyeen guryihii ku yaalay halkaasi hase yeeshee lama soo sheegin dad ku dhintay dabaylahaasi.
Sidoo kale hay’adaha qaabilsan dhinaca saadaasha hawadda ayaa ugu baaqay dadka ku nool degaamadda xeebaha ah ee goboladda Saaxil, Sanaag iyo meelo kale.
Waxa kale oo ay hay’aduhu ugu baaqeen dadka ku nool dhulka xeebaha ah in ay ka digtoonaadaan roob dabaylo wata oo laga yaabo in ay maalmaha soo socda soo gaadhaan.
 
Dhinaca kale roobabakani dabaylaha wata ayaa la sheegay in ay  khasaare ka gaysteen meello ka tirsan goboladda xeebaha ah ee Puntland, iyadoo sidoo kale dabaylaani ay maalmihii la soo dhaafay  ku dhufteen  jasiiradaha dalka Yemen iyo sidoo kale wadamo ka tirsan qaaradda Eeshiya.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply