Shirkadda SOMGAS Oo Ka Hadashay Inay Dalka ka Hirgelinayso Kaydka Gaasta Ugu Weyn Barriga Afrika

0
392

Hargeysa(Dawan):- Shirkadda Gaasta Wax lagu karsado dalka Keenta ayaa macaamiisheeda iyo guud ahaan Bulshada reer Somaliland qiimo dhimis balaadhan ugu samaysay qalabka Cunto Karinta iyo gaasta wax lagu karsado.
Qiimo dhimista ay  samaysay shirkadda SOMGAS,ayaa kala ah laba qaybood oo kala ah mid loo sameeyay macaamiishii hore ee  haysatay qalabka cunto karinta iyo haamaha ee u baahnayd gaasta cuntada lagu karsado oo kaliya iyo bulshada imika u baahan ee iibsanaysa qalabka oo isku dhan.waxaanay shirkadda SOMGAS bulshadda u balan qaaday in qiimo dhimista ay u sameysay ay guud ahaan dalka oo dhan kaga iibsan karaan gaasta marka ay haystaan qalabka intiisa kale ee ay u baahan yihiin in haanta Gaasta oo kaliya loo buuxiyo.
Madaxa Suuq-gaynta Shirkadda SOMGAS Barkhad Maxamed Hurre  oo shalay  ka hadlayay Carwada 7-aad   ee Ganacsiga Somaliland oo Huteel  Guuleed ee Hargeysa laga Furay,ayaa  intaa ku daray in shirkadda SOMGAS ay dalka ku soo kordhisay adeegga Gaasta la shito oo ay marka koowaad  kaga qayb qaadanayaan  bad baadinta deegaanka oo ay ka hortegayaan shidista dhirta dhuxusha laga dhigayo iyo in ay dalka keenaan  wax dhuxusha lagaga maarmo oo kaalintii dhir shidista  meesha ka saarta.
Waxaanu intaa ku daray in Shirkadda SOMGAS ay  dhawaan furayso kaydka Gaasta Cunto  karinta ugu weyn  Bariga Afrika  isla markaana Somaliland ay xuddun u noqon doonto keenista Gaasta cunto karinta ee Geeska Afrika  isla markaana ay dhammaystireen  Haamaha Kaydka Gaasta oo ay ka hir galiyeen Berbera.
“ Maanta (shalay)  oo ay taariikhdu tahay 03,11,2015,ka waxaanu guud ahaan bulshada Somaliland u soo bandhigaynaa qiimo dhimistii ugu balaadhnayd ee ay Shirkadda SOMGAS u samayso guud ahaan bulshadda Somaliland,qiimo dhimistaas oo  laba qaybood kala ah,labadaa qaybood oo kala noqonaya mid ay ka faa’iidaysanayaan macaamiishayadii hore oo ah in aanu gaasta qiimo dhimis balaadhan ugu samaynay oo ah 20%  iyo Macaamiishayada cusub ee imika aanu xidhiidhka yeelanayno aanu u samaynay qiimo dhimis guud ahaan qalabka gaasta iyo shoolahadaha cunto karinta iyo qalabku marka uu dhan yahay oo aanu ugu samaynay qiimo dhimis dhan  30%. Waa qiimo dhimis balaadhan oo aanu bulshadda u samaynay,”Ayuu yidhi Madaxa suuq-geynta shirkadda SOMGAS.
Barkhada Maxamed Hurre oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi   “Marka ugu horraysa waxaanu u taaganahay badbaadinta deegaanka iyo  ka hor tagga nabaad guurka iyo dhirta la shidayo ee dhuxusha laga dhigay,taasoo ah mid innagu wada waajib ah in aynu ka wada qeyb qaadanno ilaalinta deegaanka iyo  badbaadinta dhirteenna oo ay nolosheenu ku jirto.waxaan wada ognahaya haddii dhulkeennu uu saxare noqdo in aanay ka suurogalayn in aynu nolol wanaagsan ku hello,annagoo qoddobkaa ka duulayna ayaanu dalka keenay gaasta wax lagu karsado iyo guud ahaan qalabkii cunto karinta oo ah mid casriya oo  ah kuwa caalamka ugu tayada wanaagsan uguna ammaansan iyadoo shooladaha aanu keenay aanay u baahnayn kabriid iyo olol kale oo laga shido isla markaana ay yihiin qalab ammaan ahaan aad u xafidan oo casri ah.”
Waxaa kale oo uu ka hadlay kaydka gaasta Cunto karinta  ugu weyn bariga Afrika oo ay haamihii gaasta lagu shubayay ee  kaydka ahaa in ay dhammaystireen oo ay ka hir-galiyeen Berbera isla markaana ay dhawaan furi doonaan isla markaana ay Somaliland noqon doonto dalka kaliya ee Bariga Afrika oo dhan u dhoofiya Gaasta Cunto Karinta.
Ugu dambayn waxaa uu u mahad naqay Xukuumadda Somaliland gaar ahaan Wasaaradaha ay wada shaqaynta leeyihiin oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Deegaanka, Macdanta iyo Tamarta iyo Maaliyadda.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply