Murrashaxiinta KULMIYE Oo Saddex Maalmood Loo Qabtay Inay Ku Hor-yimaadaan Xarunta Xisbiga

0
255

Hargeysa (Dawan)- Hoggaanka xisbiga talladda Somaliland ee KULMIYE, ayaa xalay   ugu baaqay murrashaxiinta danaynaysa inay u tartamaan jagooyinka Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka xisbiga dhexdiisa ay ku yimaadaan  xarunta dhexe muddo saddex maalmood gudahood ah si loogu sheego macluumaad la xidhiidha shuruudaha murrashaxnimada. Sidaasna waxa lagu sheegay wargelin uu soo saaray xoghayaha guud ee KULMIYE  Xasan Siciid Yuusuf oo u dhignaa sidan:-
“Dhammaan murrashaxiinta doonaya inay ku tartamaan jagooyinka madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen ee shirka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo u muddaysan maalinta Salaasadda ee taariikhdu tahay 10-ka bisha November 2015, waxa lagu wargelinayaa inay ku yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee caasimadda JSL Hargeysa muddo saddex maalmood ah gudahood oo ka bilaabmaya 04/11/2015 (Arbaca, Khamiis iyo Sabti), si loogu sheego shuruudaha u yaal murrashaxnimadooda iyo xeer-hoosaadka khuseeya arrimahooda.
Haddaba, waxa mar labaad lagu adkaynayaa inay waqtiga ilaaliyaan oo ay maalmahaas iska soo xaadiriyaan xarunta KULMIYE, iyadoo ciddii muddadaas gudaheeda ku imanwayda loo aqoonsanayo in aanay danaynayn tartanka murrashaxnimada xisbiga gudihiisa ee shirka Golaha Dhexe.”
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply