Dawo Maalin Keliya Ku Daweynaysa Durayga Oo La soo Saaray

0
322

khubaro u dhalatay wadanka Japan ayaa soo saaray dawo maalin keliyaata ku daweynaysa durayga,taas oo waqtigan ku jirta laabka siday khubaradaasi sheegeen.
khubaradan ayaa sheegay in dawadani maalin keliyaata ku dawayn doono durayga oo aan lahayn dawo sax ah oo daweysa ,marka laga yimaado dawo madax xanuunka ka bi’isa qofka uu ku dhaco iyo sidoo kale dawooyin aan wax badan ka qaban ama ka tari karin durayga.
dawadan ayay khubaradu sheegeen inay dilayso markiiba Virus ka iyada oo sidoo kalena Enzymes kusii dayn doonta meelaha uu duraygu asiibo.
dawadan ayaa martay martabadii kowaad ee samaynta ,iyada oo la bilaabaayo tijaabadii wajiga labaad oo bilaabmaysa bisha November ee sannadka soo socda,iyada oo la filaayo in caalamka la gaadhsiiyo marka tijaabooyin kala duwan la mariyo dawadaasi.
wasaaradda caafimaadka dalka Japan ayaa ku dhawaaqday in dawadan lasoo gelin doono suuqyada caalamka  sannadka 2018,kadib marka la dhameeyo tijaabooyinka lagama maarmaanka ah ,lana hubiyo in dawadani aanay lahayn wax saamayn ah oo dhaawac keeni kara.
 

Leave a Reply