Shimbir Lagu Xukumay Xabsi Daa’in

0
358

Dalka Holland maxkamadda deegaanka Burmrnd ayaa go’aamisay in Shimbir Guumays ah lagu xukumo xabsi daa’in. Shimbirkan ayaa lagu soo oogay kiis ah inuu weeraray bishii March ee sanadkan tiro badan oo ka mid ah dadka deegaanka kuwaasi oo uu ku abuuray cabsi iyo argagax iyo weliba dhaawacyo.
 
Golaha deegaanka ee magaladaasi ayaa ku dhowaaqay inay sii daayeen shimbirkaasi oo xidhnayd muddo 7 bilood ah, laakiin golaha ayaa haddana ka baqday inay shimbirtu sii wado cadaawadii ay dadka u haysay, waxaana ay amar ku bixiyeen in lagu hayo qafas gaar ah oo loo sameeyo.
Maamulka magaaladaasi ayaa koox ugaadhsato ah ku amray inay soo qabtaan shimbirkaasi, oo dhaawacay in ka badan 50 qof. Dadka deegaanka ayay weeraradani ku khasbeen inay isticmaalaan dalaayado ay iskaga difaacaan weerarka shimbirkan gaar ahaan wakhtiyada galabtii. Nooca Shimbirkan ayaa ah kan ugu weyn ee Yurub ku nool kaasi oo miisaankiisu dhan yahay 3 kg, dhererkiisuna gaadhayo 1.80 Mitir.

Leave a Reply