Madaxweynaha Myanmar oo mucaaradka u hambalyeeyay

0
335

Afhayeen u hadlay madaxweynaha Myanmar, Thein Sein, waxa uu sheegayaa inuu doonayo in uu u hambalyeeyo xisbiga mucaaradka ee ay hogaamineyso Aung San Suu Kyi oo guul ka gaaray doorashadii Axadii.
Xisbiga Dimuquraadiyadda qaran ayaa helay ku dhowaad 90 boqolkiiba iyo Afarta boqolkiiba kuraasta illaa iyo hadda lagu dhawaaqay.
Ms Suu Kyi ayaa warqad u qortay hogaamiyayaasha militariga taageerada ka helaya ee dalkaasi inay isbuuca soo socdaa isugu yimaadaan wadahadallo dib u heshiisiin ah.
Afhayeenka madaxweynaha waxa uu BBC-da u sheegay inaysan dijirin fal ula kac ah oo dib loogu dhigaya natiijada doorashada, madaxweynahana uu qorsheynaayo inuu mucaaradka la kulmo natiijada kama dambeysta kaddib.
wararka kale ee laga helayo  Myanmar waxa uu sheegay in Ms Suu Kyi aysan qabin degdeg ay ku dooneyso inay tajiidada ku hesho.

Leave a Reply