EU oo dhaqaale ku bixineysa soo celinta tahriibayaasha

0
530

Hogaamiyayaasha Yurub iyo Africa ayaa isugu tagay shir ka dhacaya jasiiradda Malta.
Waxa ay hogaamiyayaashan kawada hadlayaan sida lagu yareyn karo qulqulka tahriibayaasha Afrika eek u wajahan Yurub.
Golaha midowga Yurub waxa ay siinayaan 1.8 bilyan oo Euro, mashruuca maalgelinta Afrika.
Ujeedada dhaqaalahaas ayaa ah in lagula dagaallamo dhaqaale xumada iyo arrimaha amniga ee sababaya in dadka ay tahriibaan.
Taasi bedelkeeda, Yurub waxa ay dooneysaa in Afrika ay dib u soo ceshato dadka dhaqaale doonka ah ee u tahriibay Yurub.
Inkastoo sanadkan diiradda lagu hayo qulqulka tahriibayaasha Suuriya, hadana Afrika waxaa ka tagay 150 kun oo qof oo gaaray Yurub.

Leave a Reply