Belgium oo dadkeeda kala baxaysa Burundi

0
334

Dowladda Belgium ayaa kula talisay dadka u dhashay waddankeeda inay isaga baxaan dalka Burundi, kadib rabshadaha siyaasadeed ee ka sii soconaya waddankaasi ku yaal bartamaha Afrika.

Midowga Yurub ayaa iyaguna si ku meel gaar ah waxay u yareynayaan tirade shaqaalaha ka jooga magaalada Bujumbura, iyaga oo qoysaskoodana banaanka uga saaraya dalka.
Golaha ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika ayaa ka shiraya xiisadda ka taagan Burundi, halkaasi oo in ka badan laba boqol oo qof lagu dilay ilaa bishii April markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay go’aankiisa ah inuu mar saddexaad u tartamayo xilka madaxtinimada, taasi oo ugu dambeyn uu ku guuleystay.
Shalay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar ku talinaya arrimo dhawr ah, oo ay ku jirto inay suurtagal tahay in ciidamo nabad ilaalin la geeyo iyo weliba cunaqabateyn in la saaro.

Leave a Reply