Biriishka Burco Oo Laga Digay Inuu Isku Fadhiisto Iyo Baaqa Maamulka Togdheer

0
340

Burco (Dawan) Maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmada Burco ayaa werwer ka muujiyay, biriishka labaad ee Magaalada Burco, oo ay sheegeen in uu qarka u saaran yahay inuu dumo gabi-ahaan oo uu isku fadhiisto.
Masuuliyiiintan ayaa qaylo-dhaan xoog leh ka soo saaray dhismaha Biriijkan, kaas oo ay saamayn weyn ku yeesheen daadadka ka soo rogmaday roobabkii maalmihii u dambeeyay ka da’ayay deegaanada hoos yimaada Gobolka Togdheer.
 
Badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer  Maxamad Diiriye Xayd, ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka ayaa si dareen leh uga hadlay xaaladan cusub ee soo wajahday biriishka magaalada Burco, isaga oo  arrimahaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaanu halkan isugu nimid inaanu ka tashanno, ka wada hadalno, ka warbixino labada biriish ee magaalada Burco oo labaduba ay khatar ku sugan yihiin, maanta markaanu la tashanay aqoonyahanadii ama Injineeradii waddooyinka oo hore daraasad badan uga sameeyay, halkuu maanta marayaa waa meel khatara, iyada oo lagu jiro wakhti roobabow ah, oo ay daadadka marayaa xoog leeyihiin, waxaanay Injineeradu noo sheegeen in biriishkani khatar ku sugan yahay.”
“Fadhigii isugu kaaya dambeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, waxa aanu isla soo  qaadnay in maamulka Gobolka iyo  kan Degmaduba baneeyaan carqaladiii ku taagnayd biriishka, oo aheyd Huteel Shamaxle, xukuumaduna lacagtii lagu sameynayay ay keento, markaa waxaanu leenahay Madaxweyne sidii aad balan-qaaday waa inaad wax ka qabataa khasaaraha dhibaatada badan wata ee soo wajahday  biriishkan,”ayuu intaas raaciyay Ku-simaha Badhasaabka Togdheer.
 
Maayar  ku xigeenka Magaalada Burco Muxumad Xasan Jaamac (Xoday ) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay haddii aan sida ugu dhakhsaha badan wax looga qaban biriishkani uu dumayo. Waxaanu yidhi  “Dadkii aqoonta u lahaa waxay sheegeen in haddii aan wax laga qaban biriishkani aan la sii dulmari Karin laba todobaad wax ka badan oo u dumaayo, waanan ognahay oo roobab faro badan iyo daadad faro badan ayaa la saadaalinayaa, sidaas darteed waxaanu madaxweynaha Somaliland ka codsanaynaa arrintaasi in sidii loo balan-qaaday ay u fusho oo biriishkaa Burco  la badbaadiyo.”
Muxumad Xasan Jaamac (Xoday) waxa uu sidoo kale ugu baaqay dadka reer Burco, guddo iyo dibadba, inay qayb ka qaataan dayactirka iyo dib u dhiska biriishka, maadaama oo uu biriishkani yahay xuduntii magaalada Burco isku xidhaysay, “Waxa kale oo aan halkan kala hadlayaa dadweynaha reer Burco oo aan leeyahay horumarka qeyb weyn ayaad ku laheydeene, maantana biriishkii xudunta u ahaa Magaalada Burco ayaa laga hadlayaa, markaa dadweynaha reer Burco ee gudaha iyo dibadaba ku nool waxaan u soo jeedinayaa inay sidii awalba aad uga qayb qaadan jirteen horumarka gobolka imikana aad ka qayb qaadataan,”ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply