Wasiir Samsam Oo Kaalmo Xoolo Ah Ku Wareejisay Cisbitaalka Hargeysa

0
280

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Hargeysa waxa ay ku wareejisay kaalmo  Xoolo Nool ah oo ay tiradoodu dhantay todobaatan neef oo adhi ah.
Wasiir Samsam ayaa deeqdan guddoonsiiay Agaasimha Guud ee Cisbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, iyoGuddida Cisbitaalka Axmed Muxumed Madar.
Kaalmadan Xoolaha ah ayaa waxaa bukaan jiifka cisbitaalka guud ee Hargeysa ugu deeqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane  Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo Arbacadii la soo dhaafay  booqasho ku tegay Cisbitaalka.
Agaasimaha Guud ee Cisbidaalka Hargeysa Axmed Cumar Askar oo hadal ka jeediyay munaasibadii deeqdaasi lagula kala wareegayay ayaa u mahad naqay Madaxwaynaha Somaliland iyo Wasiir Samsam Cabdi Aadan waxaanu yidhi “Waxa aanu halkan kula wareegayna Toddobatan neef oo adhiya oo uu Madaxawaynuhu ugu deeqay dadka dhakhtar ku jira, kuwaas oo konton kamida la siinaayo dhakhtarka, halka labaatan ka kalena la siinaayo Cisbitaalka TB-da ee  Magaaladda Hargeysa.”
“Madaxwaynaha Somaliland ayaan aad uga mahad naqaynaa oo xolahan bixiyay iyo Booqashadiisii  uu ku soo siyaartay Cisbitaalka, isaga oo ka war helay xaaladda dadka bukaanka ah, waxaanu leenahay ILLAAHAY Xasaanad ha ka siiyo maalinta Aakhiro,” ayu yidhi Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Hargeysa.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa iyaduna ka hadashay goobtaas waxaanay tidhi “Madaxwaynuhu Arbacadii ayuu markii uu soo maray dadka xanuusanaaya ee Cisbitaallka Hargaysa, waxaanu ugu balan qaaday in 70 neef oo adhiya lagu wareejiyo oo TB-da iyo Cisbitaalka guud loo qaybiyo.Sidaa darteed,  waxaan ku wareejinayaa deeqdan Agaasimaha Cibitaalka Dr Axmed Cumar Askar iyo Axmed Muxumed Madar oo kamida Guddida Caafimaadka “
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply