Khubaro Ruush Ah Oo Heshay Xayawaan u Eeg Maroodiga Oo Noolaan Jiray 39000 Oo Sanno Ka Hor

0
392

Xeeldheerayaasha iyo  Saynisyahanada wadanka Ruushka ayaa markii ugu horreysay helay xayawaan u eeg maroodiga oo noolaan jiray 39000 sanno ka hor, kaas oo aad ugu eeg Maroodiga ku nool qaarada Afrika.
Xayawaankan ayay khubaradaasi sheegeen in lagu magcaabi jiray Yucca ama Mammoth , waxaanay intaasi raaciyeen inuu xayawaankaasi ka metelaayey maroodiga dhinacyada Dhegaha, geesaha iyo maskaxda.
Khubarradan ayaa sheegay inay sannadkii 2012-kii ka  heleen meel u dhow gobolka lagu magcaabo Arctic-ga, kaas oo u dhow badda Laptevka, waxaanay sheegeen inuu ahaa xayawaankani Yucca mid da’ahaan gaadhi jiray 6 ilaa 8 sanno.
Proto Popov oo ah madaxa qaybta baadhitaanada Sayniska e maxadka Russian Academy of Science ayaa sheegay in xayawaankan  Yucca uu lahaa maskax gaadhaysa 4230 Gram, taas oo si fiican u qaadi jirtay wax walba, waxaanu sheegay inuu maskax ahaan la mid yahay xayawankaasi Maroodiga ku nool qaaradda Afrika, rwaxa kale oo uu sheegay in khubaro saynisyahano ah oo ka yimid Afrika ay siiyeen tusaaleyaal la mid ah kuwa xayawaankan.
Sanisyahanadan ayaa tilmaamay in lafaha xayawaanadan oo degaankaasi meelo badan kaga jiraa ay noqon doonaan mustaqbalka shidaal marka ay ciidu cunto ama ay dhulka galaan, taas oo sii kordhin doonta shidaalka wadankaasi.
 
 

Leave a Reply