WAR DEG DEG AH: Wariye Axmed Xasan Cawke Oo Xalay Ku Geeriyooday Magaalada Jigjiga

0
374

Jigjiga (Dawan)- Alla ha u naxariistee waxa xalay goor danbe ku geeriyooday magaalada Jig-jiga weriyaha weyn ee caanka ahaa ee soomaaliyeed Axmed Xasan Cawke .
Geerida Weriye Axmed Xasan Cawke waxa BBC.da u xaqiijisay Canab Xasan 
Cawke, Waxana ay sheegtay Canab in walaakeed Axmed Xasan Cawke uu xalay goor danbe kala soo hadlay telifoonka oo uu u sheegay in neeftu hayso oo uu aad u xanuunsanaayo , kadibna loo soo xaqiijiyay in uu geeriyooday .
Boqolaal Telifoon oo tacsi ah ayaa durtaba soo gaadhaya BBC.
Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.
Wuxuu ka soo shaqeeyay Telifishankii somaliya , kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii somaliya.

Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka soomaliga ee idaacadda BBC 1996 . wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay laanta Afka soomaliga ee VOA , Telifishanka Universal , HCTV , iyo Telifishnka Somaliland National TV .
Axmed Xasan Cawke waxaa la keenayaa Maydkiisa Somaliland oo lagu aasi doono.

Sagal Abdurahman Ahmed

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply