Weerarada Daacish iyo walwalka wadamada Yurub

0
402

Shirka wadamada dhaqalaaha badan maanta ayaa dhamaanayaa maanta arimaha sida weyn looga hadlayna waxaa ka mid ah in wadamadan ay si aad u dhow uga wada hortagaan la dagaalanka argagaxisada taasoo lagu baraarugay qaraxii magaaladda Paris ka dib. Meleteriga reer galbeedkana waxay eegayaan xoojinta la dagaalanka kooxda Daacish ee wadamada Ciraaq iyo Suuriya ka dagaalama.

Dilalkii dalka Tunisia loogu gaystay bishii June dalxiisayaal u dhashay Britain, qarixii cuslaa ee ka dhacay Ankara bishii October, iyo diyaaradii Ruushka ee sida ay u badan tahay lagu dul qarxiyay gacanga Sinai labo isbuuc ka hor iyo xitaa weerarkii isqarxinta ee ka dhacy Bayruut isbuucan- dhamaan dhacdooyinkaasi waxa ay u egyihiin inay gogol xaar u ahaayeen masiibadii ku habsatay magaaladda Paris.
Hadaba weeraradaasi ma waxaaa loo arki karaa in ay yihiin tallaabooyin aargoosi ah oo ka yimid koox cadaadis badan lagu saaray goobaha ay ku xoogan yihiin ee Ciraq iyo Suuriya?
Mise la oran karaa waa xeelad sii kordhaysa oo ay Daacish ku ciqaabayso cadawgeeda iyagoo ku sugan guryahooda?
Waxa ay u badan tahay mida dambe ee ah xeelad sii kordhaysa.
Marka sii loo fiiriyana waaba arin lala yaabo in weerarkan uusan kol hore dhicin.Maxaa yeelay in ka badan sanad ayaa ka soo wareegtay tan iyo markii ay diyaaradaha Maraykanka iyo xulafadiisa ay billaabeen duqayma ay u gaysanayaan kooxdan mintidiinta ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya, taasoo xadiday dhaqdhaqaaqa kooxdani, waxaana lagu dilay hogamiyayaal iyo dagaalyahano badan.
Ma jiraan bartilmaameedyo ay leeyihiin Maryakanka, Britain Faransiiska ama xulafada kale oo u dhaw goobaha dagaalka ee Ciraaq iyo Suuriya oo u suuragalin kara in Daacish ay weerareen.
Marka waxay dagaalka gaynayaan guryaha cadowgooda si kasta oo ay suurtagal ugu tahay kooxda.
Taasi kama dhigno in kooxda wax cadaadis ah uu saarnayn. Waxa uu cadaaadiskaasi gaar ahaan uga imaanayaa kooxda Kurdishka ee ku sugan waqooyiga dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Balse waa mid aad u fog in kooxdani laga cirib tiro labada dalba.
Haddii isku dayga ka takhalusida kooxda ay soo dhowaato, waa marka loo yaabo in reer galbeedka iyo Ruushka ay wajahaan Mowjada rabshado goos goos ah oo ka daran kuwa hadda socdo.

Leave a Reply