Wasiirka Maaliyadda Oo La Kulantay Ganacsato Turki Ah

0
291

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa waxa ay kulan la yeelatay Wefti ganacsato ah oo ka socday dalka Turkiga kuwaasi oo sheegay in ay maalgashi ku samaynayaan Somaliland.
Weftiga Ganacsatada ayaa wasiirka wasaaradda maaaliyada Somaliland kala hadlay sidii ganacsatada dalka Turkiga ay uga qeyb qaadan lahaayeen Ganacsiga Somaliland.
Wasiirku waxay ka warbixisay kulankan iyo wixii ay ka wada hadleen labada dhinac, waxaanay tidhi “Halkan waxaa nagu soo booqday wefti ganacsato ah oo ka socda dalka Turkiga oo Somaliland doonaya in ay maalgashi ku sameeyaan, kuwaasi oo xogihii ay nasiiyeen sheegaya in ay Dawladdooda Turkigu danaynayso Somaliland,”
“Markaa waxaanu ku nidhi waani eegi doonaa haddii ay tahay wax loo baahan yahay oo aanay dadkaygu qaban karaynin, waanuna idin soo dhawaynaynaa waana loo baahan yahay is dhexgalka ganacsiga oo dalka wuu dhisaa ee waxba ma yeelayo,” ayay tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan.
By. Idiris M. Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply