Dad ku dhintay qarax ka dhacay Nigeria

0
312

Dowladda Nigeria ayaa xaqiijisay in 32 qof ay ku dhinteen, 80 kalana ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Yola.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xooggan oo laga maqlay guud ahaan magaalada.
Qaraxa ayaa ka dhacay suuq khudaarta lagu iibiyo oo aad u mashquul badan.
Waa qaraxii saddexaad ee Yola ka dhaca sanadkan. In ka badan 50 qof ayaa ku dhintay labadii qarax ee hore.
Ururka Boko Xaraam ayaa horay u sheegtay weerarro noocan oo kale ah.

Leave a Reply