Madaxweynaha Somaliland Oo Salaadii Jimcaha La Tukaday Dadweynaha Reer Berbera

0
305

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo  socdaal shakhsi ah maalintii labaad shalay ku qaatay gobolka Saaxil, ayaa salaadii Jimcaha  Masaajidul Huda kula tukaday Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladda Berbera.
Dadweynaha reer Berbera, ayaa Madaxweynaha salaadii ka dib ku soo ururay oo gacan qaadayay,  waxaanay ku bogaadiyeen sida uu bulshadiisa caadiga ah ugu dhex jiro mar walba. Waxaanu madaxweynuhu socod ku maray meelo ka mid ah shaarciyadda magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Dhinaca kalena Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr) oo xalay khadka Telefoonka ugu warramayay DAWAN, ayaa sheegay in socdaalka Madaxweynuhu yahay mid gaar ah, waxaanu yidhi “Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku joogo gobolka Saaxil gaar ahaan magaaladda Berbera waa mid gaar ah. Way jirtay in madaxweynuhu marar badan booqasho shaqo ku tagay Berbera, hase yeeshee booqashadiisani waa mid gaar ah.”
“Inkasta oo socdaalkiisa madaxweynaha Somaliland uu yahay mid gaar ah, haddana waxa suurto gal ah inuu la kulmo maamulka gobolka iyo ka degmadda. Waxaanay Berbera ka mid tahay gobollada uu madaxweynuhu booqashooyinka ugu badan ku tagay intii uu xilka hayay.”
Afhayeenka Madaxtooyaddu waxa uu Beeniyay war ay qaar ka mid ah warbaahintu faafiyeen oo la xidhiidhay in socdaalka madaxweynuhu la xidhiidho wax ay ugu yeedheen wareejinta maamulka marsadda Berbera. “Waxa aan doonayaa inaan kuu xaqiijiyo inaanay waxba ka jirin warar saxaafadda qaarkeed ay qoreen oo sheegayay in Madaxweynuhu u tagay gobolka Saaxil hindise la xidhiidha wareejinta dekadda Berbera. Arrintaasi waa been. Waxaana  habboon in saxaafaddu la timaado xil-kasnimo oo aanay bulshadda u gudbin warar been ah,”ayuu yidhi Afhayeen Xuseen Aadan Cigge.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply