Xildhibaan Dhakool Oo Ka Hadlay Weerarkii Lagu Qaaday Gurigiisa Laascaanood Iyo Cidda Uu U Sibir-saarayo

0
365

Laascaanood (Dawan)- Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay weerar hubaysan oo habeenimadii Salaasadii todobaadkan ay koox dabley ahi ku qaadeen gurigiisa oo ku yaala magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.
Xildhibaan Dhakool waxa kale oo uu ka hadlay ciddii ka dambaysay weerarkan hubaysan ee lala beegsaday gurigiisa oo ay ku sugnaayeen lix iyo taban carruur ah oo uu dhalay iyo xubno qaraabadiisa ka mid ahi ay ku sugnaayeen. sidoo kale waxa uu sheegay in maalmihii ugu dambeeyay looga soo hanjabayay telefoonkiisa gacanta.
Maxamed Axmed Dhakool waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka telefoonka ku siiyay wargeyska DAWAN.
Xildhibaanka oo ugu horeyn aanu weydiinay sida wax u dhaceen waxa uu yidhi   “Anigu waxaan joogay magaalada Laascaanood, markaa dhawrkii maalmood ee aan joogay waxaa la iiga soo hanjabayay Mobile-ka, laba nin ayaa ii soo hanjabayay oo igu lahaa maad ka baxdid waxan aad ku jirto. Ma waxaad doonaysaa in aad garaad Samayayso, ma Raage Garaad Cabdiqani ayaad doonaysaa in aad dalka keento oo aad garaad ka dhigto, arrimahaas maad ka baxdid.”
Xildhibaaku waxa kale oo uu intaa ku daray “Raggaas Mobiladooda iyo Zaadkooda ayaan eegay, labadii ninba waan gartay, markaa arrintaas waxba kamaan soo qaadin oo waxaan is lahaa waa iska hadal iyo toro-rog. Ninkaa Hargeysa imaanayaana waa nin la yidhaahdo Raage oo ina garaad Cabdiqani ah, mar hore ayuu yimi Hargeysa, haddana wuu imanayaa cid abaan uga noqonaysaana ma jirto.”
“Dorraad galab ayaan ka soo baxay magaalada Laascaanood, habeenimadii ayaa gurigaygii la weeraray oo ay caruurtaydii joogto, 16 qof oo isugu jiray waxaan dhalay iyo waxaanu ehel nahay oo halkaas jooga ayaa la weeraray habeenimadii, rasaas  badan ayaa lagu riday. Booliska ayaan u sheegay cidda aan tuhunsan nahay, raggii arrinta lagu tuhunsanaa ayaa la soo qabtay, baadhistiina waa ay socotaa,” ayuu ku dooday  xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, waxaanu intaa ku daray “Rag kale oo siyaasiyiin ah oo Hargeysa joogaanna arrinkaa lug ayay ku leeyihiin oo in ay lacag direena waan hayaa, oo ay lacag u direen raga weeraray gurigayga, oo ay iyagu dusha ka maamulayeen oo raggaas Hargeysa joogaa ay muraaradilaac ka yihiin in uu dalka yimaado Raage Garaad Cabdiqani, ragaas oo aan raali ka ahayn in uu dalka yimaado qof Dhulbahante ah oo magac leh ama aqoon u leh arrimaha dhaqanka iyo arrima nabadgelyada.”
Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool waxa uu eedayn u jeediyay Wasiiru-dawlaha arrimaha nabadaynta gobollada barriga Somaliland, kaas oo uu ku eedeeyay in uu lug ku leeyahay arrintan, waxaanu yidhi “Wasiiru-dawlaha arrimaha nabadaynta gobollada bariga ayaa arrinkaas ka hadlay dhawr goor oo yidhi xildhibaan Dhakool wuxuu keenayaa Raage garaad Cabdiqani oo uu doonayaa in uu garaad ka dhigo, ninkaas ayaa ka cabanayaa imaanshiyaha Raage garaad Cabdiqani.”
Mudane Dhakool waxa kale oo uu sheegay in ILLAAHAY weerarkaasi ka badbaadiyay caruurtiisa iyo dadkii kale ee ku sugnaa gurigiisa  la weeraray waxaanu yidhi “ILLAAHAY baa dadkaasi badbaadiye , dadkaasi in la laayo ayaa loogu tallo-galay balse ILLAAHAY ayaa badbaadiyay.”
 
Geesta kalena,  Ciidamadda  Booliska ayaa shan qof u qabtay falkii habeen saddexaadkii  koox hubaysani ku weerartay guri ku yaalla magaalada Laascaanood oo uu leeyahay xildhibaan Maxamed Axmed  Dhakoo oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiiladda.
Taliye ku xigeenka qeybta booliska ee gobolka Sool  gaashaanle Yaasiin Maxamuud Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in aan ciddina waxba ku noqon  falkaas lagu weeraray guriga xildhibaanka waxaanu xusay in aanay ogolaan doonin in wax hub ah  shaaricyadda  lala maro isla markaana ay la wareegi doonaan ciddii qori lagu qabto.
Dhinaca koonfurta  magaalada Laascaanood waxa ka dhacay kiis aad u fool xun oo lagu weeraray gurigii xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada oo la yidhaahdo Dhakool, waxaana lagu furay xabado badan oo si arxan darro ah loogu furay albaabka guriga iyo gudahaba nasiib wanaag xildhibaanku guriga wuu ka maqnaa waxa joogay caruur maatiya oo huruday cid wax lagu yeelay haba yaraatee ma jirto,”Ayuu yidhi  Taliye Ku-xigeenka Qeybta Booliska Sool.
Taliyuhu isagoo arrintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi  “Markii aanu hawl-gal  samaynay ee aanu dadkii waraysanay ee aanu la xidhiidhnay dhibanihii waxa aanu helnay waxyaabo Kiiskan la xidhiidha  oo xog ah,  dabadeed baadhitaan ayaan ku samaynay shan qof ayaan baadhitaankaa u soo xidhnay.”
Gaashaanle Yaasiin waxa uu tilmaamay in gudida nabadgalyada ee gobolka Sool ay go’aankaas oo saareen in aan hubka lala marin Karin magaalada Laascaanood waxaanu uu yidhi “Guddida nabadgelyada ee gobolka ayaa ka shirtay dabadeedna go’aan ayaa laga soo saaray dadka waa la wacyigeliyay waxaana lagu yidhi qoryaha yaan suuqa lala marin  waxaana idiin leeyahay qofkii shiciba ee qori lagu qabto waa lagala wareegayaa waxaana lagu eedaynayaa haysasho hub sharci darro ah.”
By. Axmed M. Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply