Niklo waa gabadh Maraykan ah oo 17 sanno jirtay, waxaana ay balwad u yeelatay inay hurdo muddo 64 maalmood ah oo xidhiidha. Gabadhan ayaa la sheegay inuu ku dhacay xanuun dhif ah oo sababa in maskaxdu mar kasta u baahan tahay hurdo. Nikoli ayaa la sheegay in mudadaasi ay hurudo waxa keliya ee ay u toostaa tahay raashinka iyadoo weliba markaasi luloonaysa.
Hooyadeed ayaa sheegtay inay u geeyeen dhakhaatiir badan laakiin aanay waxba u qaban, โwaxaan ula dhaqmaa inantayda si debecsan si aanay u dareemin dhibaato laakiin waxba uma qaban karoโ ayay tidhi hooyadeed.
Xanuunkan ayaa ah mid dhif iyo nadir ah, waxaana lagu magacaabaa โkleine โlevin syndromeโ. Waxaana uu qofka ka joojiya firifircoonida iyo nashaadka isagoo hurdo badan ugu bedela.






















