Marwadda Koowaad Oo Agab Kala Duwan Gaadh Siisay Xarumo Caafimaad oo Ku Yaalla Hargeysa

0
299

Hargeysa (Dawan)-Marwada Koowaad ee  Somaliland Marwo  Aamina Sheekh Maxamed Jirde, ayaa shalay agab kala duwan u qaybisay Xarumaha Caafimaadka ee Sheekh Cumar, iyo Dhakhtarka weyn gaar ahaan qaybta caruurta aan gaadhin wakhtigii ay ku dhalan lahaayeen balse ka soo hormaray 9-ka bilood. qalabkaasi oo isugu jiray mid casriya oo lagu korin doono caruurtaasi, dawooyin iyo Sariiro Casriya, ka dib markii ay maamulka xarumahaasi marwada u gudbiyeen baahiyahooda.
 
Marwada koowaad  oo ka jawaabaysa Baahiyahaasi, kaashanaysana Hay’adda UNFPA, oo marwada u dooratay inay Wakiil buuxa uga noqoto Ololaha yaraynta ama dabargoynta ummul raaca Afrika oo loo soo gaabiyo CARMMA.
 
Sidoo kale Marwada koowaad ee Somaliland  waxay kormeer ku soo martay cusbitaalka guud ee Hargeysa, gaar ahaan qaybta degdega ah (Emergency)  ee hada loogu shaqeeyo dhakhtarka weyn, balse la damacsan yahay in loo dhiso qayb weyn oo ay shalay dhagax dhigeen Wasiirka caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagtlatoosiye)  iyo Marwada koowaad, maalgelintiisana ay gacan ka geysanayaan Shirkada Telesom iyo Dahabshil, halka aanay xukuumaduna ka maqnayn iyo Ganacsadada kaleba.
Geesta kalena, Marwadda Koowaad waxay booqatay xarunta caafimaadka ee xaafadda Sheekh Cumar oo ay deeg gaadh siisay.
 
Madaxa MCH-ka Xaafadaasi Ifraax Aadan ayaa ka xog-warrantay siday bulshadda ugu adeegaan iyo baahiyahooda, waxaanay tidhi. “Waxa  mushaharka naga caawisa Hay’adda UNFPA, waxaana wax qaata lix umuliso, gabadha nadiifisada ah iyo Ilaaliyaha MCH-ka, lix qof oo  kale ayaa  bilaa mushahar ah, wax gunno ahna  dawlada kama qaataan.  MCH-kan xaafada Sheekh Cumarna waxa hoos yimaadana deegaamo aad u tira badan, sida deegaanka Xaraf, Xagal,Xareed , Garabis, Masalaha iyo waliba deegaano kale oo faro badan. Afartii bilood ee ugu dambeeyay waxaa aanu u shaqaynay afar kun, afar boqol, siddeetan iyo siddeed, ciyaal ah. umulisooyinkana waxaa noogu dhalay 630 qof, annaga oo aan haysan wax gaadhiya ama Ambalaas ah, waxaa aanu ummada wax ugu qabanaa waa gaadhiga aan anigu wato.”
 
“Waxaanu kaaga fadhinaa Marwo Aamina inaad noo dhistaan qolkii Shaybaadhka, in gaadhi Ambalaasa naloo keeno iyo waliba shaqalaha inta aan mushaharka qaadan in naloo guneeyo oo mushahar naloogu qoro,”ayay tidhi Ifraax Aadan.
 
Maxamad Xasan Nageeye oo ka mida gudida xaafada Sheekh Cumar oo  halkaasi ka hadlay ayaa farta ku fiiqay waxyaabaha u baahan in wax laga qabto waxaanu yidhi “Waddo in naloo dhiso, Dugsi sare in naloo dhiso. dugsi hoose dhexe ayaanu leenahay oo afar qol ayaa ka dhisan waxaanu doonaynaa in iskuulka naloo kordhiyo macalimiinta iskuulkana naloo gunneeyo oo mushahar naloogu qoro, xanaanadana waxaa ugu daran ee loo baahan yahay in wax laga qabtaa waa qaybta feeding-ka.”
Wasiirka wasaarada caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in gudoomiyaha MCH Xaafadda Sheekh Cumar  iyo shaqaalaheedu ay horumar la tabaan karo ay ku tallaabsadeen intii ay xanaanadani dhisnayd, waxaanu yidhi “Waxaan uga mahadcelinaya Ifraax iyo shaqaalaheedu horumarka muuqda ee ay qabteen mudadii ay meeshani furayd. waxaa ay marwada koowaad ee qaranku gacan weyn innaga siisaa arrimaha caafimaadka, siiba kuwa hooyooyinka iyo dhalaanka, waxaanay had iyo jeer dedaal ugu jirtaa sidii loo yarayn lahaa umul raaca, iyo sidii loo yarayn laha dhimashada caruurta yar yar intaba dedaal weyn ayay ugu jirtaa aad baanay noogala shaqaysaa.”
Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaanay halkan u taagan tahay sidii ay qalab u gudoonsiin lahayd ay ugu tallo-gashay xaruntan Sheekh Cumar, qalabkan oo wax weyn ka tari doona adeegyada caafimaad ee MCH-kan, marwadu waxa ay wakiil ka tahay barnaamijka lagu yareynayo Umul aroorka, sidaas darteed, iyada oo ogaatay kana war heshay inay baahi ka jirto MCH-ka xaafadan ay isku xilqaantay sidii ay qalab cusub oo caafimaad ay xaruntan ugu keeni lahayd iyada oo halkani idinku gudoonsiin doonta.”
 
Marwada koowaad  oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa tidhi “Waxaan salaamayaa dadweynaha reer Sheekh Cumar ee sida diirran noo soo dhaweeyay, waxa kale oo bogaadinayaa  shaqaalaha MCH-ka xaafadan oo run ahaantii horumar aad u ballaadhan MCH-kan gaadhsiiyay, intii yarayd ee uu furnaa.”
By: Khadar M.Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply