“Waxaa la Innooga Baahan Yahay Feejignaan, Cidda Booliska Kala Shaqayn Karta Nabad-gelyada Waa Dadweynaha”

0
324

Hargaysa (Dawan): Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa ugu baaqay guud ahaanba shacabka inay si weyn ugu feejignaadaan ilaalinta nabadgelyada, isla markaana ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka.
Waxaanu farriin u diray Wasiir ku xigeenka amnigu mulkiileyaasha iyo mas’uuliyiinta hudheelada la seexdo iyo macradadda baabuurta in aanay ka kiraynin cid aanay garanayn ama aan haysan sharci.isagoo tilmaamay in looga baahan yahay dadka shicibka ah in ay la shaqeeyaan ciidamadda ammaanka.
 
 
Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaarada arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye iyo badhasaabka gobolka Maroodi Jeex Maxamed Maxamuud Jeeni yare, oo  shalay si  wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay xarunta wasaarada daakhiliga  ee magaalada Hargeysa ayaa ku baraarujiyay  bulshada inay si dhow ula socdaan cid kasta oo ay ka shakiyaan, lana soo socodsiiyaan ciidamadda ammaanka.
 
Maxamed Muuse Diiriye, oo arrimahasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waxaanu doonaynaa in aanu farriin u dirno ummadayadda, wax dhibaato ahina ma jiraan, inkasta oo aanu aqoonsanahay in ay marka horeba farriinta qabaan, haddana kolay waa la is-baraarujiyaa.  nabadgelyadu  haddii aanay jirin la cibaadaysan maayo, waxna la baran maayo,  nabadgelyo haddii aanay jirin la dhisan maayo, oo la dhaqan maayo, nabadgelyo haddii aanay jirin wax la qabsan karayaa ma jirto.  Sidaas darted.
Halkan  waxaa ila fadhiya badhasaabkii gobolka Maroodi Jeex, Jeeni yare, waxaanu halkan isugu nimid marka koowaad in aanu fariin u wadda dirno dadka ku dhaqan gobolka Maroodi Jeex, marka labaadna in aan fariin u diro anigu fariin u diro dadweynaha reer Somaliland guud ahaan.”
Maxamed Muuse Diiriye, oo farriin u dirayay bulshadda ku dhaqan gobolka Maroodijeex waxa uu yidhi “Dadweynaha ku nool gobolka Maroodi Jeex waxaan leeyahay aan digtoonaano, aan ilaashano nabadeenna, waad ogtihiin oo waxaa innagu xeeran ama innagu gedaaman gobollo ama dalal  aan deganayn, oo dhibaato badani ka taagan tahay hase yeeshee mudadda 25-ka sannadood ah ee aynu jirnay wax weyn oo la taaban karo oo dhibaato ah oo innagu yimid ma jiro buuqa yar ee gudaheenna ah waynu ka nasanaa marka aynu isku yarro-qaad qaadno, waynu isla soo degnaa laakiin cadowgeenu wuu ka faa’iidaysanayaa, wax kasta oo muran a oo yimaada, wuu ka faa’iidaysanayaa, wuuna soo hoos gelayaa, aan ka digtoonaano taasi.”
 
Sidoo kale Wasiir ku xigeenku  waxa uu  dadweynaha  reer Somaliland u diray farriin uu ugu sheegayay in ay guud ahaanba ilaaliyaan nabadgeliyadda “Waxaan leeyahay dadweynaha, askarta dirayska xidhan ee booliska ah oo qudha waxma qabto, booliska oo qudha kuma fila umad ilaalinta nabadgelyadeeda waad arkaysaan waxa ka dhacaya wadamadii waaweynaa ee caalamka, Faransiiska  haddii ay tahay, way badan yihiin meelaha gubanayaa.  Cidda  booliska kala shaqayn karta nabadgelyada ee gacanta ku qaban kartaa, waa dadweynaha iyo ciidamadda nabadgelyada oo iskaashada, waxaanan leeyaahy iskaashadda ciidanka, kala qaata marka, dhibaatadda aad aragtaanba kula soo cararra, oo u soo sheega.
Farriintaas  ayaan farayaa dadweynaah reer Somaliland guud ahaan. Aynu ilaashano nabadii aynu ku soo barbaarnay, ee aynu ku soo badbaadnay, ee aynu ku soo dhaqanay 25-kii sanadood ee aynu jirnay, waxaynu aduunka  hordhignaa waa nabadda wadamadii waaweyaa ayaynu arkaynaa waxa ka dhacaya,  Maraykan haddii ay tahay, ama Faransiis ha ahaato waxaa uu diyaaradaha cirka u soo kicinayo Ruushku waa baqe uu cid ka sii qabo”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.
 
Isagoo hadlakiisa sii watayna waxa uu yidhi “Innaga maanta waxaa la inooga baahan yahay, xaalad doorasho marka ay soo dhawaatana dadkeena wa ala yaqaan oo xamaasadeenu way iska badan tahay, xamaasadda aynu hoos u dhigno, aanan u soo jeedsano dalkeena iyo dhismihiisa dadweynahana wxaan leeyahay saddex xisbi ayaa tartamaya, nin walowlba ka aad  doonto ugu rid, xor baad u tahay xisbiga aad u codaynayso maalinta ay doorashaddau dhacayso laakiin waxaa la idinka baahan in aanay nabadiina ku milmin ololaha siyaasadda.
Waxaa la inooga baahan yahay feejignan iyo soo jeed, waan ognahay oo dhibaato iyo qax iyo dagaal waxa uu yahay waan soo aragnay, waanan garanaynaa hareeraheena ayay ku gedaaman tahay, oo ay ka taagan tahay, maanta arrintaasi ayaanay ina xulin yaanay ina soo gelin, nin waliba halkiisa ha ku noqdo boolis, nin walba halkiisa ha ka soo jeedo.”
 
Maxamed Muuse Diiriye ayaa sidoo kale waxa uu digniin u diray  masuuliyiinta iyo mulkiileyaasha hudheeladda la seexdo iyo macradadda baabuurta oo uu u soo jeediyay in aanay hudheeladda iyo baabuurta ka kiraynin cid aanay garanaynin ama aan sharci iyo aqoonsi wadan.Waxaanu yidhi “Waxaan  farayaa dhamaanba dadka guryahay leh, ee kiraynaya guryahooda in aanay ka kirayn cid aanay garayn, waa in  ay nootaayooyinka, oo cidii ay ka kiraynayaan guryaha ay ka qoraan magaciisa, sharcigiisa, meesha uu ka yimid iyo halka uu ku nool yahay, waxaan farayaa dadka leh hudheeladda la seexo in aanay ka kirayn cid aanay garayn, oo aan sidan sharci iyo macluumaad codaynaya qofkaasi. Waxaan  farrayaa dhamaanba macradadda baabuurta iibiya iyo gaadiidlayda kireeya baabuurta in aanay ka kirayn baabuurtooda, qof aanay garanayn, oo aan sharci sidan oo aanay damin ka hayn. Waxaan faraya cid kasta oo ay hawlahaasi khuseeyaan in ay ka digtoonaadaan wixii ku keenaya dhibaato dalkeena”.
 
Dhinaca kale, Badhasaabka gobolka  Maroodi Jeex, Maxamed Maxamuud Jeeni yare, oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Maamul gobol ahaan waxaanu balanqaadaynaa sidii aanu uga shaqyan jirnay nabadgelyada anaga iyo shcabkayaga Maroodi jeex, in aanu sii kordhino, I anagoo mar walba maamul gobol ahaan iyo shacbiba u darban ilaalinta  nabadgelayda oo nabadgelyada qaranku nafaray ay tahay, hadana waanu sii labanlaabaynaa.
 
Farriinta aanu shacbiga u diraynaa waxay tahay haddii ay tahay xaafadaha, guryahay degmooyinka caasimadda, degmooyinka kale, dhamaanba  guud ahaanba gobolka Maroodi jeex.  Waxaan  leeyahay nimankii argagixisadda ahaa waxaa la sheegayaa, shacbigu fadhiga ha ka kaco, isha halagu hayo, qaranimadeena aynu ilaashano.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply