Qisada Dhex Martay Kiniisadda Iyo Nin Yuhuudi Ah

0
412

Wakhtiyadii hore wadaada Kiristaanka ayaa dadka aaminsan ka dhaadhiciyay inay iibsan karaan Janada, isla markaana la siin doono warqad uu magaciisu ku qoran yahay oo ah halka boloodhka uu ka iibsady Janada marka uu iska bixiyo lacagta. Waxaana jirtay in dadku wakhtigaasi marka ay iibsadaan ay samayn jireen macasi wixii ay doonaan iyagoo aaminsana inay janada boos ku leeyihiin. Kiniisadda ayaa arintaasi si weyn hanti badan uga urursatay. Maalin danbe ayuu u yimi Yuuhudi  oo arinka fahansan wadaada Kiristanka ah waxaana uu ku yidhi “ Aniga waxaad iga iibsaan Naarta”.
Boobabkii ayaa yaabay , waanay isu yimaadeen iyagoo u arkay in arinkii ay wadeen fashil ku dhow yahay. Ugu danbaystii waxay soo saareen go’aankan:
“Dhulka naartu waa meel aad xun , mana jiri doono nacas danbe oo soo codsan kara oo ka danbeeya kan, waxaanu ka siinaynaa qiime aad u qaaliya”. Yuhuudiga ayaa lacagtii bixiyay waxaana la siiyay warqadii Kiniisadda oo ay ku qortay “ Wuxu iibsaday Naarta”. Hadaba Yuhuudiga ayaa sameeyay arrin yaab leh , wuxuu isugu yeedhay dadkii waxaana uu ku yidhi “Naartii aniga ayaa iibsaday waana taasi warqadii ay boobku ii qoreen, mana jirto cid galaysaa, albaabkeediina waan xidhay, haddaba maxaa keenaya inaad ka iibsataan Janno, waayo maba jirto naar aad ka baqataan” . Arinkii halkaasi kuma dhamaan markii wadaadii iyo kiniisadii khasaare galeen ee qofna ka iibsna waayay janadii beenta ahayd, waxay u yeedheen Yuhuudigii waxayna ka codsadeen inuu usoo celiyo  naarta waxayn ka siisteen lacag aad u badan, sidaasi ayay haddan mar kale dadkii u sheegeen in Nartii dib loo furay oo la soo celiyay “.    Waana Yuhuudi Ka Caqli batay kooxdaasi wadadaasi.
Source; yamamh.ahlamontada.net

Leave a Reply