Obama dunidu way burburin argagixisada

0
379

Madaxweyne Obama, ayaa sheegay in Mareykanku uusan ka baaqsaneyn dagaalka looga horjeedo kooxda Dowladda Islaamka.

Isagoo ka hadlayay Kuala Lumpur, ayuu Obama sheegay in iskaashiga dunidu uu ugu dambeyn burburin doono kooxda Dowladda Islaamka, iyagoo dib uga qabsanaya dhulka ay maamulaan, kana jaraya maalgelinta oo ugaaransan doona hoggaamiyayaashooda.
Wuxuu sheegay inaan la aqbali karin oo aan caadi loo arki karin weerarada sida kii Paris. Wuxuu kula dardaarmay dhammaan dowladaha in ay diraan dhambaal ah in dunidu ay shaqeyneyso, kana cabsaneynin si kasta oo ay u jirto wax uu ku tilmaamay dilaayaal qatar ah.
Dhinacakale, Shiinaha, ayaa ku eedeeyay Mareykanka in ay sameynayaan xadgudub siyaasadeed, iyagoo ilaalinaya badda koonfurta Shiinaha ee lagu muransan yahay. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, Liu Zhenmin, ayaa hadalka ka sheegay shirka bariga Asia ee ka socda Kuala lumpur. Shirka, ayaa si weyn loogu so qaaday sheegashada Shiinaha ee badda.

Leave a Reply