Wasiirka Maaliyadda Oo Ambalaasyo Ku Wareejisay Gobollada Gabilay, Buuhoodle Iyo Awdal

0
301

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan  ayaa saddex gaadhi oo ambalaas ah ku wareejisay guddoomiyeyaasha  saddexda gobolk ee Gabiley, Buuhoodle iyo Awdal.
Munaasibad loogu tallo galay wareejinta deeqdan oo ka qabsoontay xarutna cisbitaalka guud ee magaalada Hargeya ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), Wasiirul dawlaha xannaanada Xoolaha Cabdirashiid Riyoraac, badhasaabada gobollada Gabilay, Buuhoodle iyo Awdal iyo marti sharaf kale.
Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa hadal ka jeedisay munaasibadaasi waxaanay tidhi “Wasaarad maaliyad ahaan waxaanu u wareejinaynaa wasiirka caafimaadka saddex gaadhi oo Ambalaas ah si uu  ugu wareejiyo badhasaabada saddexda gobo lee Gabilay, Buuhoodle, Awdal, si ay iyaguna ugu sii wareejiyaan degmooyinka hoos yimaada ee Wajaale, Qorilugud iyo Dila, oo baahi wayn u qaba Ambalaasyada, baahidaas oo nagu kaliftay wasaarad maaliyahd ahaan in aanu u raadino, ILLAAHAY mahadii maanta waanagaa ku wareejinay.”
Marmo Samsam Cabdi Aadan waxa kale oo ay intaa  ku dartay “Waxa kale oo aanu ku wareejin doonaa cisbitaalka Hargeysa iyo cisbitaalada kale ee dalka daawooyin uu safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabtu dalka keenay. Wasaarad maaliyad ahaan waxaa naga go’an in aanu kaalin mug iyo miisaan leh ka qaadano kabka iyo horumarinta cisbitaalada dalka oo laf dhabar u ah caafimaadka ummadeena.”
Wasiirka caafimaadka Saleebaan xaglatoosiye oo ka hadlay madashaas waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa wasiirka maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan oo aad iyo aad noogala shaqaysa arrimaha caafimaadka, waa wasiir aad iyo aad u wax qabad badan horumar ballaadhan gaadhsiisay cisbitaaalka, tan iyo intii la soo bilaabay cisbitaalkana tacab badan ayay gelilyeen Samsam iyo alla ha u naxariistee odaygeediiba.waxaanu guddoonsiin doonaa shahaado sharaf weyn oo ay ku mutaysatay kaalinta iyo waxqabadka ay ka gaysato arrimaha caafimaadka dalka.”
Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa isaguna madashaasi hadal ka jeedyay waxaanu yidhi “Runtii baahiyihii aanu gobolka uga soo gudbinay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ayay arrintani ka mid ahayd, waanan uga mahad naqayaa wasiirka sida ay nooga ajiibeen oo aan ahayn tii koobaad, waa tii labaad, waxaanuna rajaynaynaa baahidayadu weli ma dhamee in qaar dambena aanu heli doono, gobolka oo ah buuralay, xeeb ah oo dhul aad ballaadhan ah aad baana loogu baahan yahay, waana Ambalaaskii shanaad ee gobolka ka shaqeeya, waxaanan rajaynayaa in aanu qaar kalena heli doono.”
Sidoo kale, waxaa iyaguna madashaasi hadal ka jeediyay badhasaabka gobolka Gabilay mudane Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo badhasaabka gobolka Buuhoodle,waxaanay dhamaantood mahad naq ballaadhan u jeediyeen wasiirrada caafimaadka iyo maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply