Xildhibaan Ganacsatadda Ugu Baaqay Inay Joojiyaan Xoogsatada Ajaanibka Ah

0
269

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida, ayaa ugu baaqay Ganacsatadda dalka inay shaqooyinka ay  muwaadiniintu qaban karaan aanay u soo kiraysan dad ajanabi ah.
“Marka laga hadlayo shaqo abuur-na, arrintaas ayaa abuuraysa. waa la innoo soo shaqo tagayaa, sidii aynu caalamku ugu shaqo tagi jirinay, waxa aan isleeyahay in badan oo la qaban karo shaqooyinkaa dadka  ajaanibka ah loo soo kaxaysanayo ayaa jooga dalka,” ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan, oo shalay u warramayay wakaaladda wararka ee SOLNA. waxaanu intaa ku daray “Markaa ganacsatadda waxaan leeyahy indhaha ha ka lalinina muwadiniinta ee waxa wadanka jooga dad ajaanibka ka khibrad badan oo ka aqoon badan,  haddii ay wax ka  dhiman yihiin iyaga aan tababarno oo waxa aad arkaysaa shirkadihii oo ku tartamaya ajaanibka, markaa waxa aan leeyahay aan xadkeennii hoos u eegno.”
Xildhibaanka oo la weydiiyay sida uu u arko baaq ka soo baxay shirkii Golaha dhexe ee dhawaan lagu qabtay Hargeysa oo ku baaqay in xubnaha Golaha Guurtidu ku soo biiraan xisbigooda, waxaanu yidhi “Golaha Guurtidu waa gole dhex ah oo saddexda xisbiba dhex u ah, lamana soo dooran oo dhaqan ayuu ku yimaadaa, waxaana muhiimadu tahay in la rogrogo mustaqbalka soo socda, doorashooyinka iman doona golaha guurtidu ma waxa uu ku iman doonaan  hab xisbiyo ah haddii hab xisbiyo ah ay ku imanayaan waxa  waajiba in qofkii xisbi ka yimaado haddiise ay noqoto sidii hore ee dhaqanka oo ay ka madax-bannaanaadaan siyaasadda iyo xisbiyadda labadaas  qorsheba way jiraan.Mar haddii aynu axsaab qaadanay iyo nidaam doorasho golahanina yahay gole baarlamaan haddiise aynu qaadanno in hab dhaqan ku yimaadaan Golaha Guurtidu ma jirto duruuf xildhibaanku  ku galo xisbiyadda.”
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply