Hawada Baddu Caafimaadka Way U Xun Tahay

0
552

kooxaha saynisyahanka ah ,gaar ahaana dhinaca caafimaadka ayaa soo saaray daraasad cusub oo ay ku sheegeen in hawada baddu tahay mid aan u fiicnayn caafimaadka bani’aadmiga ama dadka.
khubaradan ayaa sheegay in dadku inta badan aaminsan yihiin in hawada baddu tahay mid u fiican caafimaadka dadka waaweyn iyo caruurta ,sidoo kalena laga helo caafimaad,taas oo ah mid ka duwan sida xaqiiqda ah.
daraasad ay sameeyeen khubaro ka socotay jaamacadda Lund oo ku taala wadanka Sweden ayaa lagu sheegay in hawada baddu ka kooban tahay waxyaalo sun ah ,kuwaas oo waxyeelo soo gaadhsiiya dadka.
waxyaalahan sunta ah ayay sheegeen in ay u badan yihiin waxyaalo ka yimid maraakiibta maraysa badda ee inta badan kusii daysa badda markay marayaan,kuwaas oo ka kooban waxyaalo kala duwan oo markay badda ku daataan si toosa ula fal gala hawada iyo biyaha badda.
kooxdan saynisyahanka ah ayaa sheegay in marka ay dadku qaataan hawada badda in taasi ay keento inay nuugaan waxyaalaha sunta ah ee hawadaasi la socda,taasina ay keento inay waxyeelo soo gaadho caafimaadkii qofka,sidoo kalena khubaradan ayaa ku sheegay daraasadooda in neef mareenada qofka ay waxyeesho hawadani,waxa kale oo ay sheegeen in ay hawadaasi waxyeelo gaadhsiiso qaybo maskaxda kamid ah.
xanuunada ay hawadani keento ayay sheegeen khubaradani inay kamid tahay xiiqda oo kale iyo sidoo kalena xanuuno kale oo khatar ah.
khubaradan ayaa daraasadoodan ku sheegay in ay hawadaasi wasakhda ahi ku badan tahay meelaha xeebaha ah ,meelahaas oo ay ku badan yihiin maritaanka maraakiibta badda isaga gooshta.

Leave a Reply