Library Lagu Kaydinayo Anti-Body-ga Dadka Oo Markii Ugu Horeysay La Sameeyey

0
389

khubaro u dhalatay wadanka Ruushka ayaa sameeyey library-ga caalamka ugu balaadhan ee lagu kaydiyo waxyaalaha loo yaqaano Anti-Body-ga ee dadka ,kuwaas oo ay ku magacaabeen Bio Cad,waxaanay bilaabeen samaynta Library-gan sannadkii 2012 kii oo ay markii ugu horeysay keeneen qaabka dhismihiisa.
library-gan oo ay yaalaan qalab casri ah ayaa la filayaa inuu ka qayb qaato samaynta dawooyin kala duwan,gaar ahaana waxa la filaaya in lagu furo dawooyinka lagu daweynaayo Cancer-ka iyo xanuuno kale .
library-gan ayaa hadda haysta caawimo gaadhaysa ilaa 1100 oo Anti-Body,kuwaas oo la doonaayo in lagu biiriyo ilaa 2000 oo kale muddo lix bilood ah guddohood.
Anti-Body-yadan ayaa lagu tijaabiyey meelo bareefad ah oo loogu talo galay in lagu eego dawooyinka,iyada oo marwalba loo samaynaayo saddex qaab oo lagu ilaalinaayo heer kulkooda,si ay mar kasta uga hooseeyaan zero Celsius ka.
heer kulkooda ayaa ah kuwo marwalba saddex jeer la diwaangelinaayo,iyada oo laga ilaalinaayo inay is bedel la kulmaan.

Leave a Reply