Midowga Afrika iyo Dawladda Qatar oo Iska Kaashanaya Ammaanka

0
290

Wefti ka socda ururka Midnimada Afrika oo uu hogaaminayo gudoomiyaha gudiga Ammaanka iyo Nabadgelyada, Ambassador Smail Chergui ayaa maalinimadii Arbacada ee Todobaadkan Magaalada Doha ee Dalka Qatar kula kulmay Saraakiil dalkaasi u dhashay hadaba waa maxay ujeedooyinka labada dhinac ay danaynayeen ee ay kulankaasi kaga wada hadleen.
Weftiga Afrikaanka ah oo uu ka mid yahay Madaxweynahii hore ee Dalka Burundi Pierre Buyoya, oo xiligan ah wakiilka guud ee hawlgalada qaramada midoobay eee dalka Mali iyo Gobolka Saaxilka ee Afrika waxay wadahadal la galeen Amiirka Sheikh Abdul Rahman Bin Saud Al Thani iyo Ahmed bin Abdullah Al-Mahmoud oo ah Raysalwasaare ku xigeenka ahna wasiirka Madaxtooyada iyagoo isla falanqeeyey arimo badan oo dhinaca ammaanka iyo nabadgelyada ah oo ay labada geesood aad u danaynayeen.
Warbixin Warbaahinta loo qaybiyey oo ay Midowga Afrika ka soo saareen kulankaasi waxa lagu sheegay in wadahadaladu u badnaayeen xaaladaha ammaan ee ka taagan Gobolka Darfur ee Galbeedka Sudan, Liibiya iyo Mali oo ay soo raacdo dhacdooyinkii amnidarro ee dhowaan ka dhacay meelo ka mid ah Qaaradda Afrika, bariga dhexe iyo Dalka faransiiska, waxana labada dhinac is weydaarsadeen aragtiyahooda ku saabsan sida wax looga qaban karo caqabadaha amni ee jira oo ay ku jirto taageerada Afrika laga siin karo sidii ay u joojin lahaayeen una xallin lahaayeen colaadaha meelaha qaarkood ka sii jira, loona hirgelin lahaa go’aamada ku wajahan adkaynta ammaanka Qaaradda.
 
Marka tan la eegayo talaabooyinka laga qaadi doono qaabaynta  iskaashiga Midowga Afrika iyo Dawlada Qatar waxaa sida ugu dhakhsaha badan lagu soo gunaanadayaa  is faham labada dhinac ka yeeshaan arimaha ammaanka iyo nabadgelyada, iyadoo dawlada Qatar gacan ka gaysan doonto dadaalka ay Midowga Afrika ugu jiraan nabad ku soo dabbaalida Gobolka Darfur ee Dalka Sudan.
Dadaaladan iyo kuwa kale ee ay wadaan Midowga afrika oo la is dhaafsdaa waxay Dalka Sudan ka taageerayaan inuu ka talaabsado oo ka gudbo caqabadaha amni ee mudada dheer hor yaallay, culayskana ku keenay kobocii dhaqaale ee wadankaasi samayn lahaa.
 

Leave a Reply