Itoobiya oo Qayb ka noqotay Mashaariicdii Ugu Balaadhnaa ee Dhuumaha shidaalka Qaada (Shidaalku waa 15% waxa Itoobiya Dibadda uga baahan Tahay)

0
524

Mashruuca dhismaha Dhuumaha shidaalka  oo dhererkoodu gaadhayo 550 km oo isku xidhi doona qalbiga wadanka aan xeebta lahayn ee Itoobiya iyo dekedda dalka jabuuti ayaa lagu wadaa in la bilaabo sanadka cusub ee 2016, sida ay baahisay wakaalada wararka itoobiya ee ENA oo soo xiganaysay shabakadda wararka ee Engineering New Record.
Mashruucan oo Wargayska dawan uu shaacintiisii hore u baahiyey bishii Oktoobar ee sanadkan ayaa xiligan waxa aynu dul maraynaa faa’iidada uu uleeyahay labada wadan ee Itoobiya iyo jabuuti, kaalinta uu ka qaadanayo sida loo daboolayo baahida Itoobiyada federaalku u qabto shidaalka iyo saamaynta uu ku yeelan karo mashaariicda la midka ah ee Gobolka laga wado.
 
Iyadoo ay fulinayaan dhismihiisa shirkadaha kala ah New York-based Blackstone Group LP, Black Rhino Group iyo Johannesburg-based Mining, Oil & Gas Services. ayaa dhuumahan shidaalka ee la taxayo masaafada dheer oo noocoodu yahay 20-in.-dia pipeline waxay qaadi doonaan shidaalka qaybihiisa sida Diesel-ka, Petrol-ka iyo gaasta diyaaradaha iyagoo ka qaadaya dekeda Magaalada Jabuuti gaadhsiinayana gobolka Awash ee badhtamaha Itoobiya oo ay ku yaallaan haamaha kaydka shidaalka ugu weyn wadankaasi, iyadoo dalka itoobiya uu dalabaadka shidaalku kor u sii kacayo 15% sanad walba.
Shirkadaha kala ah Black Rhino founder iyo  CEO Brian Herlihy ayaa goor sii horraysay sheegay in dhuumahan shidaalku ay damaanad qaadayaan helitaan joogto ah oo dhanka shidaalka ah, isla markaana ay gacan qabanayso qorshayaasha horumarinta dhaqaalaha, lana yaraynayo waxyeelada qiiqu ku hayo hawada saafiga ah.
Xiligan ugu yaraan 500 oo booyadaha shidaalka qaada ah ayaa u kala shaqeeya Dekedda jabuuti iyo Magaalo madaxda Itoobiya ee Addis-ababa, booyadahaas oo mara waddo cidhiidhi ah oo labo haad ka kooban, waxayna ku tilmaameen khubarada socdaalka gaadiidku in wadadaasi gaadhay xad aanay qaadi Karin culays intaa le’eg.
Mashruucani waa kii labaad ee noociisa ah ee dhuumaha shidaalka qaada lagu dhigayo Gobolka Geeska Afrika oo ay Itoobiya la  saxiixato dal deriskeeda ah, waxana ka horeeyey heshiis qiimihiisu ku kacayo 29 Bilion oo doolarka Maraykanka ah oo ay wada galeen dalalka Itoobiya, Kenya, Uganda & K/Sudan, heshiiskan oo ahaa mid ay sidoo kale qayb ka ahaayeen qodobo taabanaya dhinacyada gaadiidka iyo horumarinta kaabayaasha nolosha aadamaha iyo sidoo kale dhuumaha qaada saliida qaydhiin oo la dhigayo masaafo 4440 Km ah taasoo ka soo bilaabanaysa dekeda Lamu ee dalka Kenya kuna dhamaanaya Magaalada Jubbah ee Jamhuuriyada K/Sudan ,
Mashruucan baahida loo qabo waxaa keenay iyadoo ay cidhiidhi tahay Dekedda lamu ee Dalka Kenya,  sidaa darteedna ay lama huraan noqotay in laga dhiso deked cusub Dalka Kenya,  lana hirgeliyo xarun sifaysa shidaalka oo maalintiiba soo saari karta  120.000 oo foosto , halka sidoo kalena ay mashruuca qayb ka yihiin dhismayaasha garoomo diyaaradeed iyo magaalooyin dalxiiska loo tegi doono oo ay wadamadani iska kaashan doonaan.
Denis Kakembo,oo ah madaxa shirkadda Deloitte East Africa.oo mashruucan cusub ee Itoobiya iyo jabuuti wada gaadheen ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin werwer laga qabo fulinta labada mashruuc ee ay itoobiya qaybta ka wada tahay waxana isagoo arintaa ka hadlaya uu yidhi sidan: ‘Ma qabo in Soo jeedinta dhismaha mashruuca dhuumaha shidaalka ee Itoobiya iyo jabuuti uu saamayn xun ku yeelan karo mashruuca kale dalalka afrikada bari wada galeen, sababtoo ah waxaa dhuumahaas loo qaabeeyey inay qaadaan shidaal lagu sifeeyey Jabuuti, halka mashruuca kale lagu hirgelinayo dhuumo xambaaraya saliidda qaydhiin.’
 

Leave a Reply