Qisas: Miyuu Nasiibkoodu xun yahay mise wuu wanaagsan yahay?

0
350

Dadka aan qadarka rumaysnayn marka ay dhibaato ku dhacdo waxay aaminaan in nasiibkoodu xun yahay. Waxaana loo diiwaan geliyaa inay yihiin dad nasiib xun. Laakiin waxaaba dhici karta inay yihiin kuwo nasiib wanaagsan.
Frank Silac waa macalin miisiga bare sare ku ah oo u dhashay dalka Croatia waxaan ku dhacay dhacdooyin shilal  xidhiidh ah oo naxdin badan oo haddana uu ka badbaaday. Markii ugu horaysay tareen uu la socday  ayaa ku dhacay meel webi ah waxaana la dilay dhamaan rakaabkii saarnaa isaga mooyee. Waxa kale oo ku dhacday isagoo wada  gaadhigiisa inuu isku deyay inuu dhaafo gaadhi xamuul ah, laakiin shil xun ayaa halkaasi ka dhashay  waana uu ka nabad galay markii gaadhigiisa uu ka dhacay,  laakiin gaadhigiisa uu arkayay isagoo ku sii dhacaya dhul hoose. Waxa kale oo uu ka badbaaday shil dayuuradeed.
Honlen oo u dhashay dalka Ingriiska ayaa lagu sheegaa inuu yahay kan ugu nasiibka xun dalkaasi, inkasta oo dhinaca kalena la odhan karo waa qof aad u nasiib wanaagsan. Ninkan ayaa 16 jeer ka badbaaday shilal isdaba joog ah oo uu la kulmay sida shilal gaadhi, Hilaac asiibay. Waxa kale oo yaab noqotay in markii uu geed ka soo dhacay ee uu ka jabay lugta lana geeyay dhakhtarka uu gaadhiga siday uu shil galay, iyadoo halkaasi uu dhaawac kale soo gaadhay.

Leave a Reply