Ganacsiga Qudhaanjada ee Shiinaha iyo Jarmalka!

0
389

Dalka Shiinaha: ciidamada dalka Shiinaha ayaa ku qabtay Madaarka deegaanka Chengdu bishan Novmber  laba sanduuq oo waaweyn oo ay ka buuxaan qudhaanjo nool. Markii sanduuqdaasi la furay waxa laga helay 800 oo xabo oo ah nooca qudhaanjada madow. Qudhaanjadan ayaa ku jirtay tunboooyin quraarado kala duwan ah, iyadoo loo tahriibinayay magaalada Hamburg  ee dalka Jarmalka. Waxayna noqotay markii ugu horraysay ee la arko qudhaanjo tiradan leeg oo la riibinayo.
Maamulka Kastamka ayaa sheegay in aanay tani ahayn markii ugu horaysay ee la qabto cayayaan si qarsoodi ah dalkooda  looga saarayo iyagoo sheegay in sanadkii hore ay qabteen qudhaanjo loo  kootarbaaniyay dalka Israa’iil. Waxaana la sheegay in cayayaanka looga ganacsado sida xayawaanka kale, wakhtigan aan joogono iyagoo looga faa’iidaysto ariimo kala duwan oo nolosh ah. Qudhaanjada ayaa iyada looga faa’iidaystaa sahaminta macdanta.

Leave a Reply