Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Wakiiladdu Way Khalad Fahmeen Wasaaradda Warfaafinta

0
276

Warbixintii ay soo saareen Arbacadii toddobaadkii hore Guddida ilaalinta hantida qaranka ee Golaha Wakiiladdu, waxay ahayd warbixin siyaasadeed ee may ahayn warbixin si xirfad leh loogu saleeyay waaqaca iyo wacyiga ay ku kala gedisan yihiin wasaaradaha iyo laamaha dawladdu.
Warbixinta Guddidan waxa dheeli-tirkii ka lumiyay xildhibaanadda Guddida ka tirsan oo ahaa qaar watay ajandeyaal ay ku bartilmaameedsanayeen wasaaraddaha qaarkood, kuwo kalena ay la dabo socdeen ammaan iyo buun-buunin xad-dhaaf ah oo majarihii ka duway damcaddii ay warbixintoodu gudbin lahayd.
Guddidu waxay ahayd inay wasaaraddaha darsaan waajibaadkooda iyo mid waliba waxay xil gudashadeedu tahay. Qorsheyaashii u yaalay inta ay ka qabteen iyo waxa u hirgalay inay caddeeyaan iyagoo qoddobaysan.Tusaale ahaan wasaaraduhu xafiisyo kuma wada-laha gobollada kamana wada furan karaan, tusaale ahaan haddii la yidhaahdo Wasaaradda kalluumaysigu maxay xarun iyo hawl-wadeenno ugu yeelan weyday goboladda Daad-madheedh ama Hawd? Ma noqonayso mid munaasib ah.
Guddoomiyaha Guddida Ilaalinta Hantida qaranka ee Golaha wakiiladda Maxamed Cali Xirsi, waa nin rikoodhkiisa siyaasiga ah la hayo. Waa nin mucaarid ah isagoo haddana sheeganaya inuu ka tirsan yahay xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE. Xildhibaankan oo ah nin dhalinyarro ah waxaan ku xasuustaa xilligii 2008-dii uu lahaa waxaan isla sharaxayaa Madaxweyne Siilaanyo, wakhtigaasi oo ay dad badan ku soo dhacday maahmaahdii murtida weyn ee ahayd “Maba dhallane dhawr taysan ogaa.” Illaa muddadaas inankaasi waxa uu ahaa mucaarid firfircoon, waxase imika uu helay guddi uu magacooda ku shaqaysto oo uu danihiisa siyaasiga ciddii ay iskaga soo horjeedaanba uu ku duqeeyo.
Haddii aan u soo noqdo Wasaaradihii uu afka la dhacay ee uu iska indho saabay waxqabadkooda waxa ka mid ahayd wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland.
Haddii aan eegno wasaaraddan waxay leedahay waajibaad mucayin ah oo ay kaga soocan tahay wasaaradaha kale, waxaana ka mid ah:-
1-Inay baahiso wararka, siyaasadda dawladda iyo wixii u qabsoomay dawladda Somaliland.
2- Inay dadweynaha Somaliland u bislayso waddaniyadda, korna u qaado wacyigooda, waxna barto oo laga kasbado barnaamijyo madadaallo ah.
3-Inay isku xidho bulshadda iyo ha’yadaha dawliga ah oo waxqabadkooda, toosintooda iyo dhaliishoodaba ay si togan ugu gudbiso mujtamaca Somaliland.
Waxaan maqlay wakhtiyadii Soomaaliya uu haystay Maxamed Siyaad Barre ayaa maalin la weydiiyay wasaarada warfaafinta ee xilligaasi waa maxay waajibaadkiina shaqo (mandate) ka dibna Alle ha u naxariistee Abwaankii weynaa ee reer Somaliland ee Marxuum-Xasan Sheekh Muumin ayaa hees kaga dareen celiyay waxaanu si cilmiya u qeexay hawl-maalmeedka iyo siyaasadda wasaaradda warfaafinta, waxaanu yidhi “Dadweynahaan Haasaawinaa, Hanuuninaa danta u hagnaa.” Ka dibna ciddiba kumay wada hadal.
Guddidani waxay khalad fahmeen qaabka loola xisaabtami karo wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta. Waxaanay ahayd inay horta eegaan qorshaha shan sanadeedka wasaaradda u yaalla oo ay intooda badan ka soo dhalaashay wasaaraddu shantii sannadood ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay jirtay.
Qoddobada u qabsoomay wasaaradda warfaafinta waxa ka mid ah:-
1-In idaacadda Radio Hargeysa laga dhigay idaacadda ugu weyn geeska afrika oo ah 100Kwt, taasi oo laga dhegaysto gobolladda dalka iyo mandaqadda geeska afrika iyo barriga dhexe oo dhan. Wasaaraddu waxay gobolladda dalka ka samaysay idaacado FM ah oo looga dan leeyahay in la fududeeyo in si dhib yar dadweynuhu ay uga dhegaysan karaan idaacadda iyagoo jooga guryahooda, shaqadooda iyo iyagoo wata baabuurtoodaba.
2)-Wasaaraddu waxay tayaysay wargeysyadda DAWAN Media Group, waxaanay ka dhigtay wargeyska DAWAN 12 Bog. Waxa kale oo intaasi dheer in Wargeyskii qaranka loo soo iibiyay madbacad casri ah oo afar midab ah, taasi oo ka dhigtay wargeyska kaliya ee midableh ee ka soo baxa Somaliland.
3)- Tv-ga qaranka waxa laga daalacdaa adduunka oo dhan, iyadoo uu wakiillo ku leeyahay 13 gobol iyo illaa 33 degmo oo Somaliland ku yaalla. TV-ga qaranku waxa uu laamo ku leeyahay adduunka iyadoo ay weriyeyaal u joogaan dalalka Yurub, Maraykanka iyo afrikaba.
4)-Wasaaraddu waxay gobolladda Somaliland markii u horeysay ka samaysay idaacadda Qur’aanka Kariimka ah, idaacaddaasi oo noqotay mid ka mid ah waxqabadka madaxweyne Siilaanyo ugu miisaanka weyn.
Wasaaradda warfaafintu waxay dadweynaha Somaliland ugu tagtaa guri-guri iyo goob-goob, waxaas oo horumar ah Guddidu may sheegin. Waxase ay barbar dhigeen wasaaradaha adeegyadda bulshadda qabta sida caafimaadka, waxbarashadda, beeraha iyo IWM.taasina ma ah min qiyaas sax ah oo xaqiiqadda lagaga gun gaadhi karo. Waxase aan leenahay wasaaradda warfaafintu ma aha sidaad khalad fahamteen.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply