Xildhibaan Golaha Wakiillada Ku Boorriyay Ansixinta Xeerka Baananka Ganacsiga

0
278

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland,  ayaa u soo jeediyay mudanayaasha golahaasi inay ansixiyaan xeerka baananka ganacsiga oo ku jira ajandaha kal-fadhiga 29-aad ee toddobaadkan furmay.
Xildhibaan Xaamud oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in xeerka baananka ganacsigu  muhiimad  u leeyahay dalka isla markaana ay ka furan yihiin 48 dal oo caalamka ka mida.
“Maanta (shalay) waxa laga hadlayay ajandihii kal-fadhiga 29-aad ee  Golaha Wakiiladda waxa ku jira xeerar badan oo nagu soo noq-noqday oo uu ka mid yahay xeerka baanka ganacsiga. Xeerkaasina waa xeer muhiim u ah qaranka 48 dal ayaanay ka furan yihiin baananka ganacsigu, markaa maaha in laga dhigo waxa adag,”ayuu yidhi Xildhibaan C/Qaadir Jaamac Xaamud.
 
Xildhibaanku waxa kale  uu sheegay inuu dalku u baahan yahay baananka ganacsiga waxaana uu yidhi “Xeerkan ganacsiga baankana dalka ayaa u baahan in hore loo socdo ayaa la rabaa oo dadku shaqo ka helaan. Markaa waxaan aaminsanahay in la soo hor dhigo golaha lana ansixiyo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply