Maxaad Inanka Isbitaal U geyn Weyday?!

0
420

Markii odayga iyo wiilkiisa oo 25 sanno  jir ahi ay tareenka raaceen aad ayuu wiilku u faraxsanaa. Markii uu dhaqaaqay  tareenku wuxuu ku yidhi aabihii “Aabo waa sidee dhirtii ayaa ordaysee”?  Haddana xayawaano ayuu arkay , aabo waa maxay kuwanina ?  Laba dumara oo agtiis fadhiyay ayaa u adkysan waayay oo odaygii ku yidhi “ Inanka maxaad u geyn weyday dhakhtar haddiii u sidan u buko ?
Odayga ayaa ku jawaabay “ hadda ayaanu ku soconaa dhakhtarka, waayo wiilkaygani imika ayuu wax arkay  weligii , hore wuu indha la’aa! Wakhtiyo badan waxaynu la degdegaynaa su’aal, inagoo dhaawacayna dadka kale”.

Leave a Reply