Laba Weriye Oo Ku Dhaawacmay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Gobolka Sanaag

0
369

Ceerigaabo (Dawan)- Laba Weriye oo ka tirsan warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland ayaa shalay barqadii hore ku dhaawacmay shil gaadhi oo ka dhacay duleedka magaalada Ceerigaabo, ee xarunta gobolka Sanaag.
Labadan weriye ayaa kala ahaa Maxamuud Maxamad Xasan Sarraaf oo ah wakiillka Telefiishanka Qaranka Somaliland ee magaalada Ceerigaabo, iyo wariye Cali Aadan Daahir oo isaguna ah wakiilka Telefiishanka Horn Cable Tv ee magaalada Ceerigaabo.
Labadan weriye ayaa waxaa la qalibmay  gaadhi ay wateen, wakhti ay u socdeen u kuur-galka halka ay marayso hawsha dhismaha wadada isku xidha gobolka Togdheer iyo Sanaag, waxaana gaadhigu kula dhacay deegaanka Ceel-Nimcoon ee badhtamaha Degmada Ceel-Afweyn iyo Gar-adag.
Weriyayaasha dhaawacmay ayaa waxaa ku soo booqday cisbitaalka Ceerigaabo Guddoomiyaha  gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Falaay iyo masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda.
Gudoomiyaha gobolka Sanaag   oo isagu warbaahinta la hadlay ayaa labada weriye Illaahay uga baryay inuu caafimaad siiyo waxaanu yidhi  “Waxaanu halkan ku soo booqanay labada weriye ee caanka ah ee gobolka Sanaag iyo qaranka hawsha adag u hayay, weriye Maxamuud Maxamad Xasan (Saraaf) iyo weriye Cali Aadan Daahir.”
Guddoomiye Falaay waxa uu intaa ku daray “Ladan wariye waxaa uu gaadhi kula dhacay meel u dhow banka Yufle, waxaana la dhacay  gaadhigii ay wateen, waxaanan Illaahay uga baryayaa inuu caafimaad siiyo, runtiina dhaawacoodu maaha mid argagax badan leh ee waxaa imika haya uun naqaska, gaadhigiii ay wateena waa uu burburay waananu soo jiidnay, sidoo kalena qalabkii ay siteen waa uu burburay.”
“Masuuliyiinta wasaarada warfaafinta iyo Telefiishanka Horn Cable Tv, waxa aanu ku wargalinaynaa in labada wariye uu la dhacay gaadhigii ay wateen xili ay hawsha ay qaranka u hayaan ay ku guda jireen, waxaananu Illaahay uga baryaynaa inuu caafimaad sareecana siiyo, haddii ay ka soo rayn waayaana waxaanu u soo qaadaynaa dhanka magaalada Hargeysa,” ayuu yidhi Gudoomiyaha gobolka Sanaag.
By: Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply