Xukuumadda Somaliland Oo Wada Hadal Nabadeed Ugu Baaqday Dhinacyadda Ku Dagaalamaya Gaalkacyo

0
316

Hargeysa(Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa  Maamuladda Puntland iyo Gal-mudug ugu baaqday inay dagaalka ku dhex maray Magaaladda Gaal-kacyo ay ku furdaamiyaan wada-hadal nabadeed.
Xukuumadda Somaliland waxay sheegay inay jeceshahay in mandaqadda Geeska afrika lagaga naaloodo  nabad-gelyo iyo horumar.
“Innagu (Somaliland)  mar kastaba waxaa aynu doonaynaa inaynu gobolka lagaga noolaado nabad-gelyo   iyo xasilooni sidaas ayaanu la jecel nahay Somaliland, Soomaaliya,  Jabuuti  iyo  Itoobiya waxaynu  dadkaa ugu baaqaynaa inay nabad-gelyadda ilaaliyaan inay wixii khilaafada ee dhexdooda  ka jiranna ay ku dhammaystaan wada hadal iyo nabad,”ayuu yidhi Wasiirka  Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, oo shalay warbaahinta kula hadlayay Madaarka Hargeysa ka hor intii aanay dalka ka dhoofin wefti uu Hoggaaminayay oo socdaal shaqo ugu kicitimay dalka Kenya.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply