“Sannadkii Waxaanu Ka Baadhnaa HIV/AIDS 22-kun oo Qof, Dawadana Waxa Qaata 1300 Qof” Prof. Cabdi Cali

0
413

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha fulinta ee komishanka  xakamaynta cudurka HIV/AIDS ee Somaliland  Prof. Cabdi Cali Yuusuf,  ayaa sheegay in  Somaliland ay horumar ka gaadhay sannadihii u dambeeyay la dagaalanka  cudurka AIDS-ka, isla markaana  lagu guulaystay in hoos loo dhigo heerka uu cudurku ka marayo dalka.
 
Waxaanu  tilmaamay in ay  magaalooyinka waaweyn ee dalka ka jiraan 20-xarumood oo lagu baadho dadka la nool cudurka AIDS-ka xarumahaasi oo si lacag la’aan ah loogu baadho dadka iyo afar  goobood oo laga qaato daawadda difaaca qofka kordhiya, isla markaana hoos u dhiga ama la dagaalama fayraska HIV.
Cabdi Cali Yuusuf,   waxa uu sidaasi ka sheegay  hadal  uu ka jeediyay  munaasibad lagu xusayay  maalinta  AIDS-ka aDduunka   oo  caalamka  laga xuso 1-da bisha December  oo shalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa.
 
Waxaanu  sheegay   in sannad kasta ay cudurka HIV ka baadhaan dad tiradoodu gaadhayso 22-kun oo qof, halka 1300 qofna ay haatan qaataan daawadda lagula dagaalamo Fayraska.    Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa u yidhi “Wadanka guud ahaan waxaa  ka jira 20-goobood  oo lagu baadho  HIV/AIDs-ka,  Labaatankaasi goobood dadka waxaa loogu baadhaa si bilaash ah.   Sanadkii  waxaanu baadhnaa  22-kun oo qof. Waxa kale oo dalka ka jirra 4-goobood oo  laga qaato daawooyinka  difaaca qofka kordhiya, isla markaana hoos u dhiga ama la dagaalama fayraska HIV.
 
Waxaana ka mid ah cusbitaalka guud ee Hargaysa, cusbitaalka weyn ee Berbera, cusbitaalka weyn ee magaaladda Boorama iyo cusbitaalka guud ee magaaladda Burco. Marka la isku wada geeyo dalka oo dhan dadka  daawadda qaataa waa   1300 qof”.
 
Cabdi Cali Yuusuf,   waxa  kale oo  uu xusay in Somaliland ay sanadihii u danbeeyay hoos u dhigtay faafitaanka  cudurka  HIV,  tallaabadaasina ku amaanay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ah guddoomiyaha  komishanka la dagaalanka AIDS-ka.
 
“Somaliland sanadihii u danbeeyay horumar  ayay ka samaysay la dagaalanka cudurka AIDs-ka,  taasina waxaa amaanteedda iska leh saddex  geesood. Ta koowaad waxaa iska leh madaxweynaha  iyo komishanka la dagaalanka HIV/AIDS oo  uu guddoomiye u yahay  madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynuhu si weyn ayuu iska garab-taagay komishanka AIDS-ka, waxaanu  markii aanu xilka la wareegnay noo balan qaaday in uu nagala shaqaynayo xakamaynta HIV/AIDS, waanu ka dhabeeyay  balan-qaadkii  uu maalintaasi noo sameeyay” ayuu yidhi Cabdi Cali Yuusuf.
 
Sidoo kale Agaasimaha fulinta ee komishanka  xakamaynta cudurka HIV/AIDs,   ayaa u mahad naqay maayaradda dalka  oo uu sheegay in ay  si fiican ula shaqeeyaan iyo  ururro  maxali ah oo ay ka mid tahay dalladda SAHAN NETWORK.
 
Waxaanu   yidhi “Waxa kale oo xakamaynta AIDS-ka si weyn noogala shaqeeyay maayaradda magaalooyinka dalka, gaar  ahaana maayarka  Berbera C/shakuur Cidin, waxaanu taageero siiyay dadka la nool cudurka AIDs-ka. Taas oo keentay in magaaladda Berbera uu hoos u dhacay cudurka AIDS-ku, iyadoo magaaladda Berbera ay ahayd magaaladii ugu  horaysay ee Somaliland laga helay qof qabay cudurka HIV, isla markaana wadanka intiisa kale ka saraysay  marka loo eego tiradda dadka la nool AIDS-ka.
Waxa kale oo aan halkan uga mahad naqayaa  dalladda  SAHAN NETWORK oo ay ku midoobeen ururadda maxaliga ah eek a shaqeeya la dagaalanka AIDS-ka iyo ururka  CCS oo isna nagala shaqeeya  wacyigelinta xagga dumarka.”
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply