Wasiir Cukuse Oo Cisbitaalka Ku Booqday Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax

0
408

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland  Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa shalay Cisbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa ku booqday guddoomiyaha kooxda fannaaniinta Xidigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax.
Wasiirku waxa uu dammaanad qaaday bixinta kharashka ku baxaya dawaynta iyo caafimaadka guddoomiyaha kooxda xidiga Geeska Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo qalliin fudud lagu sameeyay.
Wasiir Cukuse  isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax waxa uu ka mid yahay abwaanada waawayn ee reer Somaliland, waxaanu ka mid yahay abwaanada da’ada yar kuwooda ugu muddo karsan wakhtigan, maantana waxaa loo sameeyay qalliin yar oo fudud.”
Wasiirku waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxa kale oo isaguna jira abwaan kale oo la yidhaahdo Af-gudhiye, waxa uu joogaa magaalada Boorame,abwaaankaas dhaw goor oo horena waanu ugu tagnay Boorame ee waxaanu ku booqanay cisbitaalka.”
Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse waxa uu sheegay in wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland ay bixinayso kharashka ku baxaya dawaynta iyo caafimaadka Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax, waxaanu yidhi “Maanta wasaaraddu waxa ay halkan u timi in ay bixiso kharashka ku baxaya dawada abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax, intii awoodayada ah, waxaanu ILLAAHAY uga baryaynaa in uu caafimaadkiisa u soo celiyo, haddana wuu caafimaad qabaa oo wuu soconayaa, qalliinkiisuna muu ahayn mid wayn oo laga argagaxo.”
By. Axmed M. Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply